Murashaxa Madaxweynaha WADDANI wuxu qayb galay xaflada daah-furka qaybinka kaadhka codbixinta gobolka Saaxil

 

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan M. Cabdillaahi (Cirro) iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayey oo saaka socdaal ku tagay magaalada Berbera oo lagu daah-furay qaybinta kaadhka codbixinta. Cirro wuxu ka hadlaayo muhiimadda kaadhka codbixinta Doorashooyinka, waxaana uu iftiimiyey muhiimadda uu kaadhkaasi u lee yahay shacabka Somaliland isaga oo tilmaamay in lagu gelaayo guud ahaan ba doorashooyinka Madaxtooyada, Baarlamaanka iyo weli ba sida oo kale goleyaasha deegaanka.

Dr. Cabdiraxmaan Cirro, waxa sida oo kale uu shacabka Somaliland gaar ahaan goballada ay hadda ka bilaabmayso qaadashada kaadhka codbixinta doorashadu ee Saaxil iyo Awdal ba uu ku booriyey in ay qaataan kaadhkaasi isla mar ahaantaana ay kaga qeyb-qaataan isbedelka uu wado Xisbiga WADDANI, waxaana ay u dhigneyd khudbaddiisii sidan:

Waxa runtii dhammaanteen ba farxad innoo ah in qaranka Somaliland guud ahaan ba in maanta la daah-furaayo labaddii gobal ee ugu horreeyey qeybinta kaadhadhka oo kala ah gobalka Saaxil iyo gobalka Awdal, waxaana aan is lee yahay waa tallaabaddii ugu horreysay ee innoo muujineysa in aynu doorashada diyaar u nahay, goballadu na markii diiwaan-gelinta way tartamaayeen oo waxa ay ahayd tira-koob gobal kasta laga qaadayey, waxaanan lee yahay shacabka gobalka Saaxil waad dedaasheen markii diiwaan-gelinta oo tiraddii ugu badneyd ee suurto-galka ahayd baa is diiwaan-gelisay, maanta na waxa la idin ka filayaa in tiraddii isdiiwaan-gelisay in aad suurto-gelisaan Ilaahay iidankii in ay kaadhadhka wada qaataan.

Fariintayaddu na waxa weeye in muwaadin kasta oo gobalkan iska diiwaan-geliyey iyo gobalka Awdal ba in uu soo doonto kaadhkii uu ku codeyn lahaa, halkanna waa laga xusay oo kaadhkaas waxa aad ku geli doontaan saddex doorasho oo haddii aad hadda seegto macnaheedu waxa weeye kuwa dambe na ma gelaysid, waxa aad ku gelaysaa doorashada Madaxweynaha, Doorashada Baarlamaanka iyo weli ba Doorashada Goleyaasha Deegaanka, waxaana aan u soo jeedinayaa dhammaan ba shacabka labada gobal ba in ay la shaqeeyaan mas’uuliyiinta Komishanka Qaranka, in a la shaqeeyaan mas’uuliyiinta amniga ee Somaliland oo runtii aan amaan badan u soo jeedinaayo, waxaana loo baahan yahay in qof kasta uu sidiisa iskaga xil saaro amaanka qeybinta kaadhadhka si nabdoon oo nabad-gelyo, waxa kale oo aan bulshada gaar ahaan odeyaasha dhaqanka iyo doorka ay lee yihiin ba in ay iyagu na ka qaataan guubaabinta iyo wacyi-gelinta shacbigu si ay kaadhadhka.

Kaadhadhka waxa aynu u qaadaneynaa in aynu codeyno oo doorasho galno, waxaana innoogu soo horreysa doorashaddii Madaxtooyada Somaliland, waxaana aanu xukuumadda u soo jeedinaynaa si aanay doorashadu dib ugu dhicin in bixiyaan lacagtii ay ka sugaayeen guddida Doorashooyinka Qaranku oo ay sida ugu dhakhsiyaha badan ugu dhammeystiraan

Halkan hoose ka daawo muuqaalkan warkan:

 

bandhige@gmail.com