Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL oo Tababar u soo Xidhay Shaqaalaha Maxkamadda Sare iyo Maxkamadaha hoose ee Gobolka Maroodi-jeex

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa tababar usoo xidhay 30 xubnood oo iskugu jira madax-qaybeedyo, kaaliyayaal iyo gaadhsiiyayaal ka tirsan Maxkamadda Sare iyo Maxkamadda Hoose ee Gobolka Maroodijeex, tababarkan oo la xidhiiday bad-baadada degdega ah (firsta aid) ayaa labadii maalmood ee u danbeeyay ka socday Maxkamadda Sare ee JSL.

Tababarka oo ay bixinaysay Akadamiyada SOFO ayaa ujeedadeedu daarnayd sare-u-qaadida wacyiga hawl-wadeennada Maxkamaddaha, ee dhanka gargaarka degdega ah, marka ay la kulmaan qof xaalad halis ah ku jira oo u baahan bad-baado.

Dr. Axmed Xasan Filibiini iyo Drs. Hoodo Axmed oo tababarka daadahaynayay ayaa si qoto dheer hawl-wadeennada Maxkamadaha, ugu faa’iideeyay jaran-jarooyinka la qaadayo marka qofku la kulmo qof u baahan gargaar degdeg ah (first aid) iyo qaybaha kala duwan ee ay u dhacaan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JSL Aadam Xaaji Cali oo madasha xidhitaanka tababarka ka hadlay ayaa ugu horayn Akadamiyada SOFO uga mahad-celiyay, doorka shariifka ee ay ka qaateen in xubnaha tababarka soo xaadiray fursad u helaan xirfaddo waarra oo noloshooda oo dhan anfaca.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale tibaaxay ahmiyada tababarada noocan ahi bulshada u leeyihiin, waxaanu hawl-wadeennadii tababarka qaatay u hogga-tusaaleeyay sida ay naftooda, ta qoyskooda iyo ta bulshadaba ugu anfici lahaayeen.

Ugu danbayn Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa kula dardaarmay xubnaha tababarka qaatay, in ay joogteeyaan sare-u-qaadida xirfadaha muhiimka ah ee bad-baadadu ku jirto, waxaanu ku booriyay in ay bulshada usii gudbiyaan oo uga faa’iideeyaan hadba inta ay gaadhsiin karaan.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

Bandhige@gmail.com