Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya waala saxeexi doona Cadowga Somaliland-na wuu ka nixi doona”Guddoomiye Baashe

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha guddida farsamo ee heshiiska Somaliland iyo Itoobiya Baashe Cawil Xaaji Cumar, ayaa ka hadlay dhammeystirka wajiga kowaad ee heshiiska Isfahan ee Somaliland iyo Itoobiya, waxaanu xusay in dhanka Somaliland howshii madaxweynuhu u xilsaaray guddida farsamo inay xog badan heleen, tallo badan urursadeen, bulsho badan la kulmeen.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Somaliland qabsatay shirkad caalamiya oo Qareeno ah oo Ingiriis ah, oo Somaliland ka taageeri doonta hannaanka sharci ee heshiiska una soo diyaarin doonta heshiiska kama danbaysta ah ee ay Itoobiya la galeyso

Geesta kale waxa uu sheegay in heshiiskaasi la dhammeystirayo labada dhinacba marka ay soo diyaargaroobaan, si dhakhso ahna u fulaya kana nixi doonaan cadowga Somaliland.

Waxaanu yidhi. “Howshii guddida farsamo ee heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, waxa hadda soo gaba-gaboobay wajigii hore oo ahaa in aanu soo ururino xogtii iyo aragtidii kala duwaneyd ee bulshada, wixii aanu ka soo ururinay ee aanu ka soo diyaarina, waxa loo beddeli doona ficil, kaas oo laga diyaarinayo heshiiska ay wada geli doonaan Somaliland iy Itoobiya.

Heshiiskan waxa gacanta ku haya shirkad Qareenno ah oo dowladda Somaliland qabsatay oo Ingiriis ah, shirkadaasina ay noqon doonto mid Somaliland ka eegta una soo diyaarisa heshiiska rasmiga ah ee innaga iyo Itoobiya aynu wada geli doono.

Waxaan filaya wax laga laabtay in aanu jirin ee heshiisku sidiisii u socdo, wakhtiga labada dhinac ay diyaarka u yihiina ayay kulmi doonaan, saxeexi doonaan, dad badan oo Somaliland horumarkeeda iyo geedi socodkeeda cadaw ku ahina ay ka nixi doonaan”.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

Bandhige@gmail.com