Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxa uu Guddoomiye cusub magacaabay Maxkamadda Rafcaanka Goboladda Awdal iyo Selel

Maxkamada Sare ee somaliland ahna Gudoomiyaha Guddida Cadaalada Garyaqaan Aadan Xaaji Cali ayaa sheegay in masuul cusub loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka ah ee gobolada Awdal iyo Selel.

Gudoomiye Aadan Xaaji Cali oo khadka telefanka ugu waramay Qaarkamidaa Warbaahinta ayaa sidoo kale ka hadlay qaar ka mid ah garsoorayaasha ka hawl gala gobolka Awdal oo maanta ku dhawaaqay inay iska casileen shaqadii ay hayeen. Gudoomiye Aadan Xaaji oo ka hadlaya is casilaadii gudoomiyihii maxkamada racfaanka gobolka Awdal ayaa waxa uu yidhi:

“Maxkamadda racfaanka ee Gobolka Awdal waxaanu u magacawnay Maxamede Siciid Saaweer oo hadda ahaa garsoore ka tirsan maxkamada racfaanka ee gobolka Awdal, waxaanu muddo sano ka badan ahaa Guddoomiyihii Maxkamadda degmada Boorama, garsoorihii hore-na waxa uu sheegay inuu is casilay ka dib markii ay baadhis ku sameeyeen guddida cadaaladu kuwaas oo go,aamiyey in laga badalo maxkamada racfaanka gobolka Awdal ka dib cabasho badan oo ka timid iyo mudada baadhistu socoto.”

Guddoomiye Aadan Xaaji Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay garsoorayaal kale oo maanta iska casilay bahda cadaalada gobolka Awdal, waxaanu yidhi isagoo arrintaas ka hadlayana:

“Guddida cadaaladu sida ugu dhakhsaha badan ayey u soo buuxinaysaa boosaska ay baneeyeen xubnaha kale ee sheegay in ay is casileen, waxa waddanka jooga muwaadiniin badan aqoon iyo khibradba u leh hawlaha garsoorka oo bilaa camal ah, garsoorka gobolka Awdal iyo guud ahaan garsoorka dalkuna maanta maalin uu ka fiican yahay ma jirto, qofkuna marka uu shaqadiisa ka soo bixi waayo maaha inuu ku gabado waxbaa qaldan.”

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan:

bandhige@gmail.com