Guddoomiyaha UCID oo Booqday Ciidanka Qaranka ee ku Sugan Oog

Qore: Khadar M. Xaashi

Oog (Dawan)- Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraab iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa booqasho ku tagay fadhiisimada Ciidamada Qaranka ee jiidaha hore ee deegaanka Oog oo ay ku sugan yihiin ciidamada qalabka sida ee Somaliland.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa lagu qaabilay taliska aaga Bari ee Ciidanka Qaranka, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyeeen saraakiisha Ciidanka ee ku sugan goobtaasi.

Afhayeenka Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeyo guuto. Cali Cabdillaahi ayaa guddoomiye Faysal warbixin ka siiyey xaaladda ay ku sugan yihiin ciidanku, waxaanu Cali Dheere guddoomiyaha uga mahadnaqay dhiirigelinta uu ciidanka la barbartaagan yahay mar walba.

Afhayeenka ciidanka ayaa Faysal Cali Waraabe ku sifeeyay muwaadin jecel dalka iyo dadkiisaba, waxaanu u sheegay in ay ku bogaadinayaan sida uu markasta ula dareen yahay Ciidankiisa iyo dalkiisaba, isaga oo xusay in arrimahaasi uu dheer yahay siyaasiyiinta kale.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com