Guddoomiyaha UCID waxa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey Ceel-afweyn

Guddoomiyaha CID Faysal Cali Waraabe iyo waftigii uu hoggaaminayay oo socdaalka Nabadda Iyo Mideynta Somaliland ku marayey gobollada beriga ayaa gaadhay Ceel-afweyn.

Taageerayaal aad u tiro badan ayaa waxay weftiga uu guddoomiyuhu hoggaaminayo ku soo  dhaweeyey duleedka Ceel-afweyn.

Faysal Cali Waraabe ayaa si wayn uga mahad naqay soo dhawynta balaadhan ee lagu qaabilay. isagoo ka warramay taariikhda Degmadan iyo sidii ay isusoo barbar istaagtay UCID wakhtiyadii doorashada.

Weftiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha UCID ayaa waxay wali ku guddo jiraan socdaalkan ay ugu magac dareen socdaalka Nabada iyo Mideyna Somalilad.

bandhige@gmail.com