Guddoomiyaha UCID sannadkan wuu ka baaqday ka-qayb-galka shirka xisbiyada hantiwadaagga ah

 

Sida lagu dhigay war-saxaafadeed cawaysinkii ka soo baxay UCID, Guddoomiyha xisbiga Faysal Cali Waraabe wuxu ka baaqday ka-qayb-galay shirweynaha ay isugu yimaadaan xisbiyada loo yaqaan “Socialist-ka” ama “Hanti-wadaagga.”

Xisbiga UCID Ee Somaliland ayaa ah Xisbiga kaliya ee ka mid-ka ah, Xisbiyadaa Socialist-ga ee Caalamiga ah .

Waxaana ay sannadkiiba isku yimaadaan hal mar, iyadoo sannadkan uu shirka Xisbiyada Socialist Ee Wadamada Africa ( Socialist International Africa Committee) uu ka dhici Doono Dalka Chana Ee Qaaradan Africa .

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo sannad walba ka qeyb gali jiray Shirkan, ayaa doorkan ka baaqday, Hawlo qaran oo uu dalka dibadiisa uga baxay awgeed, waxaana Xisbiga UCID uga qeyb gali doonaa Shirkan qaar ka mid ah Masuliyiinta Xisbiga UCID oo kala ah Wakiilka Yurub Ee Xisbiga UCID Ahnaa Wakiilka Xisbiga UCID Ee Socialist International Africa Siciid Cumar iyo Xoghayaha Maaliyadda Ee Xisbiga Mustafe Ibraahim .