Guddoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland ahna musharax Xisbi mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” ayaa saaka ay ciidanka booliska ee saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa ay ka horjoogsdeen in uu booqdo siyaasi Muniir Axmed Cigaal oo ka tirsan Xisbiga Waddani iyo Weriye Cali Mahdi Jirbiil oo ah Suxufi ka hawlgala Tv-ga Kalsan, kuwaas ku xidhan saldhiga dhaxe ee Hargeysa oo lagu eedeeyey in ay ka dambeeyeen weerar loo gaystay Jaamac Jiir oo la gaadhsiiyey nabaro.
Musharax Cabdiraxmaan Cirro iyo masuuliyiinta la socotay ayaa loo diidey in ay bookhdaan labadaa maxbuus ee Xabisga ku xidhan, iyadoo ay ciidanka ilaalada saldhigo ka horr istageen guddoomiyaha iyo masuuliyiinta la soctay in ay fooda geliyaan saldhig, isla markaana ay booqdaan sarkaalka ka tirsan ee Xisbiga Waddani iyo Weriyahaasi.
Dhanka kale ciidanka saldhiga dhexe ee magaalada Hargeya ayaa xabsiga dhigay qaar kamid saxafiyiin la socotay guddomiye cirro iyo weliba gaadhigii gaarka ahaa ee xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani.
Dhanka kale waxa uu Guddoomiye Cirro cambaareeyey xadhiga Weriye Cali Mahdi iyo Muniir Axmed Cigaal oo ka tirsan xisbiga Waddani.
Halkan hoose ka daawo muuqaalkan warkan:
https://www.youtube.com/watch?v=j2wrMx09kEE