Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka, Donald Trump, ayaa jabiyay siyaasad Maraykanka u degsaneyd tobannaan sanno kadib markii uu la hadlay Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen, iyadoo ay taasi horseedi karto khilaaf ballaadhan oo diblumaasiyadeed oo uu Shiinaha la galo.
Kooxdiisa ku howlan sida ay xilka ula wareegi lahaayeen ayaa sheegay in ay ka wada hadleen xidhiidhka dhaw ee dhaqaalaha iyo ammaanka ee ka dhaxeeya Maraykanka iyo Taiwan.
Trump ayaa markii dambe waxa uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay fariin uu ku sheegayo in uu soo wacay Madaxweyne Tsai Ing-wen.
Shiinaha ayaa u arka Taiwan in ay qeyb ka tahay dhulkiisa, tallaaba kasta oo uu Maraykanka dhankaa u qaadana waxaa loo arki karaa in uu taageero u fidinayo madaxbanaanida Taiwan, taasi oo si weyn uga xumaan doonto Beijing.
Wadahadalka dhex maray Madaxweynaha la doortay Trump iyo Madaxweynaha Taiwan ayaa ka mid ahaa afar wicitaan oo uu shalay Trump ka helay hoggaamiyayaal ajnabi ah.
Hasayeeshee uma aanay muuqan in wicitaankaa ay wax lug ah ku laheyd wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka taasi oo caadiyan ka tala bixiso arrimaha siyaasadeed.
Mareykanka ayaa xidhiidhkii diblumaasiyadeed u jaray Taiwan sannadkii 1979-kii oo ku dhawaad 40 sanno waxa uu qaatay waxa loogu yeedho siyaasadda ‘Shiine hal qudha ah’ – iyagoo Beijing u aqoonsaday in ay tahay dawladda kaliya ee uu Shiinuhu leeyahay.