Guddoomiyaha Waddani oo si diirran loogu soo dhaweeyey London

Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha xisbiga Waddani ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa  si diirran Jimcihii loogu soo dhaweeyey maddaarka Heathrow Airport ee cariga Ingiriiska. Waxa goobta soo-dhawaynta guddoomiyaha ku wehelinayey madaxda Yurub ee Waddani iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Waddani Dr. Maxamed Cismaan Fadal.

Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan-Cirro oo hadal kooban ka jeediyey madashii soo-dhawaynta ayaa ka mahad-naqay in sida loo soo dhaweeyey. Wuxuna sheegay in uu cariga Ingiriiska u yimid sidii barnaamijka Waddani oo af-Ingiriisi ah loogu bandhigi lahaa dalka Ingiriiska.

Sidoo kale Guddoomiye Cirro wuxu sheegay in uu qorsheeyey in uu la kulmo dhammaan laamaha Waddani ee cariga Ingiriiska.

Mar la waydiiyey waxa uu ku xasuusto sannadkii tagay wuxu yidhi “Waxan u malaynayaa in la wada xasuusan yahay muddo-kordhimihii kale dambeeyey. Shacbiga Somaliland waxan ku boorinayaa in ay u diyaar-garoobaan diiwaangelinta codbixiyaha iyo doorashadaba.

Hoos ka daawo muuqaalka Horn Cable TV ee soo-dhawaynta weftiga Cabdiraxmaan Cirro.