Sucuudigu wuxu dil ku fuliyay 47 qof oo uu ku jiro sheekh Shiico ahi

Xukuumadda Sucuudiga ayaa barqadii maanta dil ku fulisay 47 qof oo lagu helay in ay lug ku laahaayeen ficillo argagixiso oo dalkaas ka dhacay intii u dhaxaysay 2003-dii ilaa 2006-dii. Waxa dadkan maanta la khaarajiyey ka mid ah sheekh Shiico ah oo caan ah oo magaciisa la yidhaa Sheekh Nimr Al Nimr.

Dad badan oo baryihii ugu dambeeyey ka mudaharaadayey dilka lagu fulinayey Sheekh Nimr Al Nimr ayaa kadib markii mudaharaadkii uu rabshad isku beddelay 6 bilays ahina ku dhinteen qaar badan oo ka mid ah xabsiga loo taxaabay qaarkoodna waxaba lagu xukumay dil.

Xukuumadda Iiraan ayaa maalmihii ugu dambeeyey ku hanjabaysay in haddii xukuumaddu Sucuudigu ay dil ku fuliso Sheekh Nimr Al Nimr uu qoomamayn doono.

Maanta waxa shaashadaha laga sii daayey muuqaalo muujinaya weerarradii ay dadkani ka qayb-qaateen waxana dadweynaha Sucuudiga TV-ga kala hadlay muftiga dalkaas Sheekh Cabdicaasiis Aala Al-Sheekh si uu dadka uga dhaadhiciyo in dilalka maanta la fuliyey ay yihiin qaar caddaalad ku salaysan.

Maxkamadda Sare ee Sucuudiga ayaa bishii 10-naad ee sannadkan diidday racfaan oo xukunkii hore ka qaatay Sheekh Nimr Al Nimr oo sheegay in falka kaliya ee uu ku kacay uu ahaa in uu ku baaqay mudaharaadyo dimuqraadiyad-doon ah taasina aanay sabab u noqon karin in uu naftiisa u waayo.

47-kan qof ayaa noqonaya dilkii ugu horreeyey ee ay fuliso xukuumadda Sucuudigu sannadkan cusub kuwaas oo ka mid ahaa 157 qof oo dil-sugeyaal ah. Tirada dadka dilka lagu xukumay sannadkii 2015-kii waxay aad uga badan tahay tiradii dilka lagu fuliyey 2014-kii oo ahayd 90 qof.

Kooxaha u dooda xuquuqda aadamaha ayaa Sucuudi Carabiya ku canaanta dilalka uu fuliyo kuwaas oo ay sheegaan in badan oo ka mid ah in ay yihiin dilal siyaasadeed oo aan caddaalad ku dhisnayn.

Il-wareed: The Guardian

Bandhige@gmail.com