Guddoomiyaha Waddani wuxu baaq-nabadeed u diray laba beelood diriri ku dhermartay deegaanka Higlo ee Buuhoodle

 

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magiciisa, kan xildhibaannada Golaha Wakiillada iyo weliba kan Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani wuxuu ugu baaqayaa beelaha walaalaha ah eeย dirirta colaadda ahi ku dhex martay deegaanka Higlo ee Buuhoodle in ay xaaladda cakiran ee dagaalka ah ku soo dabaalaan nabad iyo wada-noolaansho.

Waxaannu baaq u direynaa Xukuumadda Somaliland, Golaha Guurtida Somaliland, Madax-dhaqameedka, cuqaasha iyo wax-garadka guud ahaan reer Somaliland iyo gaar ahaan kuwa labada dhinacba inay colaaddan ka gurmadaan, isla markaana loo soo afjaro, lana soo celiyo wada-noolaanshaha iyo in sidii innoo dhaqanka ahayd xaaladda aynu ku soo dabbaalno wada-hadal iyo walaalnimo.

Ugu danbeyntii, xisbiga Waddani wuxuu aad uga damqanayaa dadka walaalaha ah ee ku dhimanaya colaaddaas, wuxuuna mar labaad iyo mar saddexaadba ugu baaqayaa beelaha walaalaha ah ee wada dega geegaannadaas inay colaaddaas demiyaan.

bandhige@gmail.com