Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Laybeeriya wuxu ku dhawaaqay in uu u sharaxan yahay madaxweynaha FIFA

Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Laybeeriya Musa Bility ayaa ku dhawaaqay inuu u sharaxan yahay jagada madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA oo doorashadiisu dhici doonto Diisambar 2015.

48-jirkan u dhashay Laybeeriya waa murashaxii labaad ee ku dhawaaqa inuu u taagan yahay jagada madaxweynimo ee FIFA, iyadoo uu horey ugu dhawaaqay ciyaartoygii hore reer Baraasiil Zico.

“Afrika waa garabka ugu weyn codbixinta FIFA, sidaas daraadeed waa in aanu hoggaanka qabanaa si aanu isugu keeno xidhiidhka kubadda cagta adduunka” ayuu yidhi Bility.

Waxa kale oo uu yidhi “Waxaynu heshiish kuwada nahay in xidhiidhka kubadda cagta ay soo waajaheen xaalado adagi, waxana ka saari kara oo kaliya hoggaamiye adag.”

Bility oo hoggaaminayey xidhiidhka kubadda cagta Laybeeriyi tan 2010kii, ayaa noqday qofkii labaad ee ka soo jeeda qaaradda Afrika ee taariikh ahaan isku soo sharaxa jagada madaxweynimo ee FIFA.

Hore waxa u isku sharaxay guddoomiyaha xidhiidhka kubadda Afrika Issa Hayatouoo la tartamayey Sepp Blatter doorashadii madaxtimada FIFA sannadkii 2002, taas oo lagaga guulaystay.

2-dii Juun ayuu Blatter ku dhawaaqay iscasilaaddiisa, ka dib markii musuq-maasuq lagu soo eedeeyey saraakiil ka tirsan hay’addii uu hoggaaminayey ee FIFA.

bandhige@gmail.com