Guddoomiyaha Xisbiga UCID Oo Khudbad Xiiso Badan Ka Jeediyay Xafladdii Wan-Qalka Degmada Cusub Ee Dacarta

 

Guddoomiyaha Xisbiga UCID ahna musharaxa xisbiga Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa waxa uu ahaa musharaxa kaliye ee si rasmi ah uga qayb galay xaflada loo wanqaleyey degmada Dacarta oo uu dhowaan u magacaabay Degmo Madaxweyne Siilaanyo, iyadoo murashaxa Waddani Cabdiraxmaan-Cirro uu xafladda yimid gelinkii dambe goor xafladdii rasmiga ahayd la soo gabobgabeeyey Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixina uu ka maqnaa.

Xafladan oo ay ka qayb galeen xubno ka tirsan xukuumadda, salaadiin, culaamu-diin, dhallinyaro iyo haween. sidoo kalena waxa xili dambe oo ay dhammaatay xafladan isagu goobta yimid Guddoomiyaha xisbiga Waddani ahna musharaxa Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro”, iyadoo Xisbiga Kulmiye aanu iman Musharaxa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi balse ay ka joogeen xaflada masuuliyiin dhow ah oo ka tirsan hoggaanka xisbiga Kulmiye.

Eng Faysla Cali Waraabe oo isaga ka hadlay xaflada ayaa waxa uu ka hadlay arrimaha dhowr oo ay ka mid yihiin hormarka waddanka iyo taariikhda deegaanka Dacarta.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan:

bandhige@gmail.com