Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo Sheegay in aanay Cidna Muran Gelin karin Aqoonsiga Somaliland

Hargeysa(Dawan):-Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in aanay cidna muran gelin karin aqoonsiga Somaliland.

Faysal Cali Waraabe ayaa intaa ku daray in Laascaanood aan laga goyn karin Somaliland,isla,markaana xuduudaha dalka la gaadhi doono.

Faysal Cali Waraabe oo Arimhaa ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”Somaliland muran galimayso,ragga maanta leh Somaliland la aqoonsan-maayo.waxaan murashax u ahay Somaliland oo dhan, uma ihi murashax Beel gooni ah,sida kuwa ku ololaynaya reer Hebel ayaa nagu soo biiraya ee Lacagta saydh-saydhaya,doorashada waynu ku midaysanahay waanay dhici doontaa muhiimadu waa in doorashada la qabto,sidee ayay ku dhici kartaa in fiqi inoo soo han jabo dadka moodaya in aanu jabnay,waxaan leeyahay maanu jabin Laascaanood arintii ka dhacday wayna midaynaysaa waana imanaynaa xuduudayada Laascaanood lagama goyn karo Somaliland,”.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com