Guddoomiyaa xisbiga UCID Eng. Faysal Cali ayaa waxa uu hambalyo u diray guud dadka Muslimiinta ah, gaar dadka reer Somaliland iyo reer Soomaaliyaba munaasibada ciidal Adxaa awgeed.
Sidoo kale waxa uu Guddoomiye Faysal sheegay in uu aad uga xun yahay qaraxyada iyo foolxumada ka socota guddaha Soomaaliya, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi:
โWaanu ka xun ahay maalin walba foolxumada iyo qaraxa ka dhacaya Soomaaliya Iyo shisheeyaha ku soo dagayaa iyo talada gacanta u gashayh shisheeyaha.โ
Sidoo kale waxa uu guddoomiyuhu sheegay in wanaaga Soomaaliya ku jiro wanaaga Somaliland, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:
โWanaaga Soomaaliya waaa wanaaga Somaliland, waa Jabuuti wanaageeda, waa NFD wanaageeda, waa ka dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya wanaageeda, jidh qudha ayeynu nahay, balse siyaasada ayuun baynu ku kala gadisan nahay, laakiinse dad isku araga ayeynu nahay, la ina kala tilmaami maayo.โ
Halkan hoose ka daawo muuqaalka hambalyada Guddoomiye Faysal: