Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta la ciiday kumanaan ka mid ah shacbiga ku dhaqan caasimadda Somaliland ee Hargeysa, hambalyana u diray shucuubta Islaamka iyo bulshada reer Somaliland meel ay joogaanba.
Waxaa ka mid ahaa weedhihii Madaxweynaha:
ย โMaalintani waa maalin qiimo weyn ku leh ummadaha islaamka meel kasta oo ay joogaan. Sidaa darteed, waxa habboon inaynu ummad ahaan la wadaagno farxadda iyo rayn-raynta ciidda barakaysan ee Eebbe inoo jideeyey.
Haddaba, si aynu u helno deeq iyo danbi-dhaaf Alle, waxa inagu waajib ah in aynu ilaalinno midnimada iyo wada jirkeena.
Waxa inagu waajib ah, inaynu dhammaanteen isu-uursamaanno, isna saamaxno.
Waxa inala gudboon inaynu Allaheena wayn u noqonno, iskana cafino wixii xan iyo xumaan ina dhex-martay.โ
Madaxweynuhu waxa uu salaaddii ciidda kadib shacbiga caasimadda ku qaabilay Qasriga Madaxtooyada iyadoo ay wehelinayaan Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Gudoomiyaha Golaha guurtida, Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland, Md Axmed Yuusuf Yaasiin, Odayga Somaliland Xaaji Cabdikariin Xuseen, Madaxda dhaqanka qaar ka mid ah, Badhasaabka gobolka Maroojideex iyo masuuliyiin tiro badan.
—
Naasir Yuusuf Daahirย
Secretary Officeย Mediaย of theย Presidential
Hargeisa – Republic of Somaliland
Email: naska2007@hotmail.com
Tell: 63-4423774
https://www.facebook.com/XafiiskaAfHayeenkaMadaxtooyadaJsl?ref=hl