Xaaladda caafimaad ee haweenayda u sharaxan madaxweynenimada Maraykanka Hillary Clinton ayaa laga dayrinayaa kadib markii ay shalay ku dhacday xaflad lagu maamuusayey dadkii ku naf waayey weerarradii 11-kii September 2001-dii lagu qaaday dalka Maraykanka, gaar ahaan magaalooyinka New York iyo Washington.
Hillary Clinton ayaa toddobaad uun ka hor iyada oo khudbadaynaysa waxay kala joojin wayday qufac, kadibna ay si kaftan ah u tidhi “mar kasta oo aan xasuusto Donald Trump xasaasiyad baan dareemayaa”.
Hillary Clinton ayaa saacad kali ah joogtay xarunta loo yaqaan “Ground Zero” kadibna isaga tagtay kadibna waxay jiibsatay guri ay inanteedu leedahay oo ku yaalla isla xaafadda Manhattan ee xaffladdu ka dhacaysay.
Dhakhtaradda dawaysa Hillary Clinton ayaa tibaaxday in Jimcihii laga helay xanuunka “oof-wareenka” kaas oo ku sababay in ay xummad dareento isla markaana fuuq-baxdo Axaddii.
Hase ahaatee dhakhtaradda Hillary Clinton waxay difaacday caafimaadka guud ee haweeynaydan aadka loo filayo in ay madaxweynaha ka noqoto Maraykanka.
Toddobaadkii la soo dhaafay murashaxa la tartamaya Hillary Clinton, Donald Trump iyo xubno aad u cadcad oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga oo uu ka mid yahay Ridio Juilliano oo hore u ahaan jiray duqa New York ayaa labaduba sheegay in uu jiro xanuun qoto dheer oo ay dadka ka qarinayso Hillary Clinton.
Maalmihii hore dadka Maraykanku waxay moodayeen dacaayado ay ka faafinayaan kuwa iyada ka soo hor jeeda laakiin hadda waxay u muuqataa in ay dadku shaki ka qaadi doonaan caafimaadka Hillary Clinton iyo awoodda ay u yeelan doonto in ay Maraykanka hoggaamiso afarta sanno ee soo socda.
Xisbiga ay ka tirsan tahay ee Dimuqraadiga oo war-murtiyeed soo saaray ayaa tibaaxay in caafimaadka Hillary Clinton aad u wacan yahay isla markaana aanay qabin xanuun weyn oo looga werweraa.
Xilliga ay Clinton xanuunsatay ayaa lagu sheegay in uu yahay xilli xasaasi ah oo doorashadii ay ka hadheen wax ka yar 2 bilood oo kali ah isla ย markaana tobaneeyo maalmood uuni ay ka hadheen doodda loo qabanayo iyada iyo Donald Trump.
Sidoo kale maalmahan u dambeeyey waxa hoos u dhacayey dhibacaha ay dheer tahay Donald Trump kadib markii hadallo ay dhawaan jeedisay la dhibsaday kuwaas oo ah in ay tidhi “Kala badh dadka taageersan Donald Trump waa rabsho-wadayaal, cunsuriyiin, neceb Muslimiinta iyo dadka isku jinsiga ah ee is guursada.”
BANDHIGE NEWS
bandhige@gmail.com