Maraykanka waxa laga xusay 15-guurada weerarkii 11-ka September

 

Dadweyne  tiro badan iyo murashaxiinta madaxweynenimada Maraykanka ayaa isugu soo baxay barxadda loo yaqaan “Ground Zero” ama “Dhulka bannaan” ee ku taalla badhtamaha New York si ay  xusaan weerarkii maraykanka lagu ekeeyey 15 ka hor maanta oo kale.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa isaguna xaflad tan oo kale ah ku qabtay Aqalka Cad, taas oo daqiiqado la aamusnaa markii ay saacaddu gaadhay 8.46 daqiiqo wakhtigaas oo ah markii diyaaraddii koowaad ku dhacday labadii daarood ee ay ku taallay Xarunta Ganacsiga Adduunku midkood.

Madaxweyne Obama wax khudbad kama uu  jeedin xafladda lagu qabtay  guriga cad, waxaanu khudbaddiisa u dhigtay mid lagu qabanayey aqalka loo yaqaan “Pentagon-ka” ama Wasaaradda Gaashaandhigga ee Maraykanka, gurigaas oo ka mid ahaa meelihii weerarka lala beegsaday.

3000 iyo dheeraad qof oo ku geeriyooday daarihii la dumiyey ee ku yaallay New York ayaa magacyadoodii mid mid loo yeedhiyey si loogu muujiyo xusuus iyo qaddarin.

15 nin oo ka mid ah 19-kii nin ee fuliyey qaraxyadan ayaa Sucuudi ahaa. Warbixin laga soo saaray ciddii qaraxyadan ka dambaysay sannadkii 2002-dii ayaa 28 bog oo ka mid ah oo Sucuudiga ku saabsan shaacintooda weli la hor taagan yahay.

Hase ahaatee labada aqal ee sharci-dejinta ee Maraykanka ayaa laba jeer oo kala duwan ansixiyey in dadweynihii waxyeeladu ka soo gaadhay weerarkaas eheladoodu ay maxkamad ku soo oogi karaan Sucuudiga si ay mag-dhaw uga raadsadaan, taas oo uu Madaxweyne Obama ku gacan saydhay isla markaana sheegay in uu adeegsan doono codka qayaxan ee “veto-ga” loo yaqaan.

Madaxweyne Obama ayaa ka baqaya in taasi wax u dhimi karto xidhiidhka aan kala maarmin ee hadda u dhaxeeya Maraykanka iyo Sucuudiga.

BANDHIGE NEWS