Guddoomiyaha xisbiga UCID wuxuu ku eedeeyey xisbiga Waddani in ay dibin-daabyo u dhigayaan wada-hadalad Somaliland iyo Khaatumo

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa shaaciyey in uu dhiggiisa Waddani ku hawllan yahay sidii uu u kala dhantaali lahaa wada-hadalada la filayo in ay toddobaadyada soo socda u bilaabmaan xukuumadda iyo kooxda Khaatumo, kuwaas oo lagu wado in labada dhinac gondaha isku daraan kulan loo qorsheeyey in uu ka qabsoomo magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Eng. Faysal oo ka hadlayey shirweyne aan caadi ahayn oo xisbigiisa maalintii shalay u furmay, ayaa inkasta oo aanu xisbiga Waddani si cad u carrabaabin, haddana si sarbeebaysan ugu eedeeyey in ay wadaan carqalad ka dhan ah wada-hadalladaas,waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi:

“Waxaan ogaaday in wada-hadalladii Khaatumo ay axsaabta qaar kamid ahi ay durba jecel yihiin in ay khalkhaliyaan oo ay dib u dhigaan, taasina waxa ay noqonaysaa in heshiiska la doonayo in uu dhaco 17-ka bishan laga hortagayo.”

Waxa uu sheegay in xubno aanu magacaabini hoggaamiyaha kooxda Khaatumo kula taliyeen in uu wada-hadallada ka baxo, iyaga oo daliishanaya in xukuumadda haatan jirta xilligeedii sii dhammaanyo, waxaanu yidhi isagoo arrintaas ka hadlaya:

“Waxaan idiin sheegayaa in dad reer Somaliland ahi Cali Khaliif kula kulmeen Addis Ababa oo ay ku yidhaahdeen waxba 17-ka bisha heshiis ha gelin dawladdani way dhacaysaa, DP World-na waxba samayn mayso oo ay baro-bagaandhe ku fureen.”

Faysal waxa uu kula taliyey hoggaanka kooxda Khaatumo in aanay hadalladaas dheg u dhigin, isla-markaana ka midho dhalliyaan wada-hadallada, waxana uu yidhi:

“Waxaan ku guubaabinayaa kooxda Khaatumo in aanay kelmedahaas dhegaysanin oo shirkii sidii ballantu ahayd uu u socdo.”

Hadalka guddoomiye Faysal Cali-waraabe, ayaa imanaya xilli dhawaan hoggaanka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo uu hormood u ahaa guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro shirar aan natiijadooda la shaacin magaalada Addis Ababa kula qaateen hoggaanka kooxda Khaatumo, kuwaas oo ay  aanay bulshadu wax faahfaahin ah ka helin, marka laga tago sawirro uu xisbiga Waddani baraha bulshada ku faahiyey oo ay labada dhinaca Addis Ababa ku wada galeen ah.

Xukuumadda Somaliland, ayaa dhawaan shaaca ka qaadday in wada-hadalladii muddada la sugayey ee u dhexeeyey iyaga iyo maamulka Khaatumo ay magaalada Addis Ababa ka furmi doonaan 17-ka bishan aynu ku jirno ee November, kaas oo natiijadiisa bulsho badani dhegaha u taagayso.

Xigasho: Hubaal Media

bandhige@gmail.com