Shirweynaha 1-aad ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu ka furmay Hargeysa

Shirweynaha 1-aad ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa ka furmay Hotelka Maan-soor ee Hargeysa, shirweynahan ayaa waxay ugu dambaysay in ay qabtaan ururka SOLJA muddo 12 sanno ka hor.

Shirkan ayaa waxa ka soo qaybgalay hay’adaha la shaqeeya sida Dalladda SONSAF ee waddaniga ah oo si weyn ula shaqaysa SOLJA iyo dadweyne kale, shirkaa furitaankiisii waxaa ka hadlay xogyahay ururrkaasi Yaxye waxaanu ka warramay ujeedada shirkan loo qabtay iyo waxyaabaha lagu filayo inay ka soo baxaan labada cisho ee soo socota, Gudoomiyaha Ururka SOLJA  Maxamuud Cabdi Jaamac “Xuuto” waxaanu ka warramay tacadiyadii kala duwanaa ee ay sannadkan 2016 ka diiwaangaliyeen dhibaaatooyinkii soo gaadhay suxufiyiinta kaladuwan ee ka hawlgala qaybaheeda faraha badan.

Xuuto isaga oo ka hadlayey noocyada tacadiyadaasi waxa uu sheegay  inay jiraan dhawr iyo toban dacwadood oo ay qaarkood wali ku jiraan gacmaha cidda ay khusayso gaar ahaan xukuumadda, waxa uu yidhi:

“Waxaajiray Dawcwado farabadan oo ilaa 16 dacwadood gaadhaya ilaa haddana ay 12 kamid ahi ku jiraan gacanta xukuumadda oo ka dhan ah saxaafadda madaxa banaaan.”

Dhanka kalen waxa uu ka warramay sharciyada caalamiga ah  iyo xuquuqda Saxafiyiintu sida ay tahay inay isula jaan qaadaan ee looga baahan yahay in loo maro marka eedo laga tirsano ama ay markaa cidda xukunka gacanta ku haysaa u arkto in ay Saxaafaddu ku gaftay, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Runtii sharciga Suxufiyiinta Somaliland waxa uu ku salaysan yahay isla markaana uu aamisan yahay Dastuurka iyo shuruucda Somaliland”

Waxaanu intaa ku sii daray  inay Solja taageero badan ka helaan hay’ado kaladuwan oo qaarkoo caalami yihiin sida IMS, Free press iyo qaarkale kuwaas oo tababarro kala duwan ku caawiyey ururka SOLJA.

Waxa kale oo uu Xuuto u mahad celiyey Shirkadda weyn ee Dahabshiil oo ka caawisay gaadhi u shaqeeya xafiiskka ururku ku leeyahay Hargeysa, waxaanu yidhi:

“Waxaan u mahad celinayaa shirkadda weyn ee Dahabshiil oo sanadkii tagay nagu caawisay  Gaadhiga xafiiska u shaqeeya.”

Sidoo kale isaguna halkaas ka hadlay hoggaamiyaha xisbiga Waddani  Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxaana ka mid ahaa hadaladiisiii:

“Markaan ahaa waasiirka Madaxtooyada Gudoomiyaha SOLJA waxaan kala shaqaynayey sidii  wax looga badali lahaa xeerka saxaafadda hadda oo aan ahay nin mucaarad ah na la gaban maayee waxaan sheegayaa wixii aan aaminsanaa markii aaan wasiirka ahaa oo ah madax banaanida Saxaafadda.”

Waxa isna halkaa ka hadlay Afhayeenka xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Xasan Maxamed Cali “Gaafaadhi” waxaanu sheegay in ay saxaafaddu tahay  mid aan looga maarmin hormarka dawladeed isla  markaana ay tahay inay xukuumaddu ilaaliso isla  markaana ka shaqayso sidii ay uga shaqayn lahayd hormarinta saxaafadda iyo inay aqoontooda kor uqaaddo, waxaanu yidhi:

“Waxaan aamisanahay Saxaafaddu inay tahay tiir aan looga maarmin hormarinta Dawladeed waxaanan leeyahay hormarka ay saxaafaddu u baahan tahay cidda 1-aad ee laga rabo inay qaybteeda ka qaadato inay xukuumadda tahay.”

Shirkan oo socon muddo laba maalmood ah waxaa lagu wadaa inuu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ka soo qaybgalo Berri haddii Alle yidhaa halkaas oo sida  uu Guddoomiyaha ururkaasi Xuuto Sheegay in ay bixin doonaan Abaal-marino kale duwan oo lagu maamuusidoono shakhsiyaad kala duwan kuwaas oo ay SOLJA u garatay in ay sannadkan ahaayeen shakhsiyaad loo xushay Abaal-marinta sannadkani.

bandhige@gmail.com