Guddoomiyaha xisbiga Waddani waxa uu hadhimo sharafeed u sameeyey Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Puntland

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna musharaxa Madaxweynaha xisbiga  Waddani Cabiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxaa uu maanta qado sharaf ku maamuusay Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee maamulka Puntland Cabdisamad Cali Shire oo deegan ahaan ka soo jeeda Somaliland isla markaana muddooyinkii ugu danbeeyey dalka ku sugnaa.

Munaasibdan qado sharafta ah ayaa  ka dhacdey Hudheelka Hiddo Dhawr ee Caasimadda Hargeysa waxaana ka soo qeyb galay masuulyiinta xisbiga Waddani oo ay ka mid yahiin , musharaxa madaxweyne ee xisbigaasi, Prof Buubaa, Xildhibaan Talyanle, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Siyaasi Xussen Axmed Ceydiid, Siyaasi Aadan Dhoola Yare, siyaasi Cali Cantar iyo masuulyiin kale.

ka

 

bandhige@hotmail.com