Xukuumadda Myanmar waxa lagu eedeeyay xasuuqa Muslimiinta ee ka dhacay dalkeeda

 

Maamulka Myanmar waxa uu balan qaaday in uu talaabo ka qaadi doono joojinta xasuuqa dadka Musliimiinta ah oo lagu eedeeyey, kadib markii la baahiyay muuqaal muujinaya askar boolis ah oo garaacaya rag Muslimiinta Rohinga ah.

Dawladdu waxay sheegtay in dhacdadaasi ay dhacday bishii November ayna ka dhacday gobolka Rakhine.

Maamulka Myanmar ayaa marar badan sheegay in booliska ay raacaan sharciga iyo qaanuunka.

Waxay dawladdu diiday muuqaalo dhowr jeer la soo bandhigay oo muujinaya dadka Muslimiinta ah oo si xun loo galayo.

Waxa muuqaaladaasi horray loo soo bandhigay ay dawladdu ku sheegtay kuwo been abuur ah oo aan cadayn.

Muslimiinta dalkaasi Myanmar ayaa laga tiro badan yahay. Waxay la kulmaan tacadiyo uga imanayay dadka Buudiistaha ah.

Dilalka loo geysto muslimiinta ku dhaqan Myanmar ayaa waxaa si weyn u cambaareeyey wadanka Malaysia.

bandhige@gmail.com