Trump siyaasadiisa waxa baqo weyn ka muujisay haweenay magac ku leh xisbiga Jamhuuriga Maraykanka

 

Haweenay ka mid ah dadka magaca ku leh xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in ay u baqayso mustaqbalka todobo ilmood oo ay ayayey u tahay sababtuna ay tahay in Donald Trump uu la wareegayo maaamulka Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka.

Christine Todd Whitman oo wakhtigii madaxwayne George W Bush ahayd Madaxii Waaxda Ilaalinta Deegaanka ee dalka Maraykanka oo magaceeda loo soo gaabiyo EPA ayaa Trump ku eedaysay in uu iska indho tirayo digniinta cadaymaha saynisku la socdaan.

Waxay ka digtay in hanjabaadiisa ku aadan in uu meesha ka saarayo siyaasadaha ilaalinta cimilada in ay halis galinayso mustaqbalka Adduunka.

Taageerayaasha Trump waxay sheegayaan in xeerarka cimilada iyo tamarta lagu hor istaagayo ganacsiyada.

Muxuu Trump qaban doonaa marka ugu horaysa?

Shiinaha oo Trump uga digay aqoonsiga Taiwan

Laakiin Todd Whitman ayaa sheegtay in Maraykanka looga baahan yahay in uu la yimaaddo hannaan uu ku hormarinayo ganacsiyada iyadoo aan dunida dhibaato loo gaysanaynin.

Wali ma cadda siyaasadda cimilada ee Trump laakiin kooxdiisu waxay ka hadleen in ay ballaadhin doonaan shidaal qodidda ayna furi doonaan dhuumo dhidaalka qaada oo horleh.

Dhanka siyaasaddana waxay tilmaameen in ay ka bixi doonaan heshiis caalamiga ah ee cimilada Adduunka ee uu saxiixay Barack Obama oo uu xilkiisu ku egyahay bishan.

Trump ayaa waxa uu dunida iyo Maraykanka guddihiisa ku noqday odhaahda Soomaalidu ee tidhaahda Shaagle laga baqay.

bandhige@gmail.com