Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI wuxu hambalyo u diray Ciidamada Qaranka xuska sannad-guuradoodii 24aad ee aasaaska ciidanka Qaranka

 

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI sida oo kale na ah guddoomiyaha Xisbigaasi Dr.Cabdiraxmaan M. Cabdillaahi (Cirro), ayaa waxa uu dhambaal hambalyo ah uu u dirayaa ciidamada qaranka Somaliland, Sarakiisha, Saraakiil ku xigeenada, Gaashaanleyaasha illaa dableyaasha isaga oo ugu hambalyeynaaya xuska sanad guurada 24aad ee ka so wareegtay markii la aas-aasay ciidanka qaranka Somaliland oo ku beegnayd shalay taariikhdu tahay 02/February/2018ka.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, waxa sida oo kale uu hambalyo taas la mid ah uu u dirayaa dhammaan ba qoysaska iyo xaasaska ciidanka qaranka Somaliland meel kasta oo ay joogaan ba, isaga oo ciidanka qaranka ku sifeeyey in ay yihin naftood hureyaal dhib iyo duruuf ba u xamilay siddii ay u ilaalin lahaayeen haybadda iyo difaacidda qarankooda Somaliland.

Dr.Cabdiraxmaan M. Cabdillaahi (Cirro), waxa ugu dambeyntii  uu u rajeeyey ciidamada qaranka iyo qoysaskooda ba in ay sanadka sanadkiisaas ay ku gaadhaan bash bash iyo barwaaqo, halkaas na ay ka sii wadan dedaalka iyo kartida ay qarankooda ugu adeegayaan.

Waaxda Warfaafinta WADDANI

Hargeysa, Somaliland