Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ugu baaqaysa dawladda inay sii dayso Abwaan Naciima

 

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay sii dayso Abwaan Naciima Axmed Ibraahim oo ku xidhan Hargeysa.

  27kii January 2018, Abwaan Naciima Axmed Ibraahim ayaa Hay’adda Sirdoonka Qaranku ka xidhay gegida diyaaradaha ee Cigaal oo ay uga dhoofaysay Muqdisho, sida uu noo xaqiijiyay abeheed, Axmed Ibraahim oo la hadlay Xarunta.

 Naciima waxa markii hore lagu xidhay goob ay maamusho Hay’adda Sirdoonka Qaranka. Waxa 28kii January loo wareejiyay Saldhiga Dhexe ee Hargeysa oo ay hada ku xidhan tahay, sida ay noo xaqiijiyeen ilo.

 Waxa la hor keenay Maxkamadda Gobolka Hargeysa 29kii January 2018 iyo 1dii February 2018. Maxkamaddu way rumaan garaysay si loo hayo inta baadhitaanku socdo. Wax eed ah oo rasmi ah oo ay soo gudbisay xeer-ilaalintu ma jirto. Balse waxa loo haysta qoraalo Facebook ga lagu qoray oo la sheegay inay ku saabsanaayeen midnimada Somalia, sida uu Xarunta u sheegay qareenkeeda oo ah Mubaarig Cabdi.

 Booliisu way diideen in qoyskeedu la kulmo tan iyo markii abeheed la hadlay warbaahinta, sida ay xubno qoyskeeda ahi noo sheegeen.

 Naciima waxa la xidhay iyada oo aan loo haysan amar qabasho oo garsoore soo saaray, sida uu sheegay qareenkeeda, Mubaarik. Sida ku cad qodobka 25aad ee Dastuurka JSL “ma bannaana in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro, haddii uusan markaa dembi faraha kula jirin, ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo saarin Garsoore awood u lihi.”

“Xadhiga aan amarka qabasho loo haysan ee Niciima loo xidhay aragtideeda oo ay dhiibatay wuxuu ka soo horjeedaa Dastuurka Somaliland. Dastuurka Somaliland iyo xeerarka caalamiga ahiba waxaay damaanad qaadaan xorriyadda cabiridda aragtida,” ayuu yidhi Guleid Ahmed Jama, Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka.

 “Aad ayaanu uga walaacsanahay xadhiga Naciima oo loo haysto aragtideeda siyaasadeed. Dawladdu waa inay ixtiraamtaa dastuurkeeda,” ayuu ku daray Guleid.

 Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ka codsanaysa dawladda Somaliland inay u ogolaato qoyskeedu inuu la kulmo iyo inay xorriyadeeda u soo celiso Naciima.

Guleed Axmed Jaamac

Guddoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka

Email: hrcsomaliland@gmail.com