Weftigii uu hoggaaminaayey Guddoomiyaha aqalka Golaha Wakiilada, ahna Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi “Cirro”, oo muddooyinkii dambe socdaalo ugu maqnaa dalalka Maraykanka iyo Kanada, ayaa maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa.
Weftigan uu hoggaaminayey Guddoomiye Cirro dalka ku soo dhoweeyey Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed, hoggaanada, guddida fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka, taageerayaasha waddani iyo sida oo kale shacbi weyne aad u tira badan.
Guddoomiyaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” iyo weftigiisa oo ugu horreyn laga soo galbiyey guddaha Madaarka Hargeysa, ayaa warbaahinta kula hadlay barxadda hore ee afaafka Madaarka Hargeysa, waxaana uu Guddoomiye Cirro si weyn uu uga mahad-celiyey siddii diiranayd ee ay soo dhaweeyeen shacabka Somaliland iyo weliba guud ahaan taageerayaasha iyo mas’uuliyiinta xisbiga Waddani, waxaana uu tilmaamay in safarkii ay dalka dibeddiisa ugu maqnaayeen uu ahaa mid qaran isla mar ahaantaana ay soo qabteen hawlo khuseeya Qaranka Somaliland. Isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi:
“Dhammaan shacbiga reer Somaliland ee maanta halkan(Madaarka Hargeysa), nagu soo dhaweeyey ee isagu jira mas’uuliyiinta iyo taageerayaasha xisbiga Waddani aad ayey u mahadsan yihiin, waxaana aan uga mahadnaqeynaa soo dhaweynta diiran ee ay na soo dhaweeyeen, waxaana aan lee nahay mar kale aad ayaad u mahadsan tihiin. Illaahay ayaana aanu ugu mahadnaqeynaa in aanu dalka si nabad-galyo ah ugu soo noqonay.”
Cirro oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyey u jeedada socdaalkoodii dibedda iyo waxyaabahii u soo qabsoomay muddadii ay socdaalka ku maraayeen dalalka Mareykanka iyo Kanada, waxaanu yidhi:
“Waxa aanu ku maqneyn safar illaa muddo bil ah qaatay, oo runtii ahaa safar shaqo qarana, waxaanu tagnay dalalka Mareykanka iyo Kanada, waxaana aanu dawladda Mareykanka kala kulanay wasaaraddeeda arrimaha dibadda, Kongeraska iyo Senatka labadaba, waxa kale oo aanu la kulanay mas’uuliyiin iyo diblomaasiyiin ba, ana oo kulano la qaadanay mas’uuliyiinta goballada(State’s) aanu maraynay, haday yihiin Kongaras iyo haddii ay Senatkooda yihiin ba. Sida oo kale isna dalka Keneda waxa aanu la kulanay Mas’uuliyiinta iyo Senatka. Intaa waxa noo weheliyey in aanu iyagana la kulmay guud ahaan jaaliyadaha reer Somaliland dhammaantood magaalooyinkii aanu tagnay, waxa kale oo aanu la kulmaynay madaxda Xisbiga iyo Laamahooda, ana oo shacabka reer Somaliland-na xuskii sannad guurada 25aad ee 18ka May, aanu kala qeyb-galnay shacabka reer Kanada ee ku dhaqan magaalada Toranto, waxaana aanu shacabka Somaliland ku hambalyeynaynaa maalinta qaranka, ciid wanaagsan ayaanu lee nahay.”
Halkan hoose ka daawo khudbadii Guddoomiye Cirro: