Rabshado hadheeyey kulan uu lahaa Donald Trump

Kadib markii ay rabshado hadheeyey kulan uu lahaa musharaxa Jamhuuriga ee Donald Trump, rabshadahan ayaa waxa sameeyey dad gadoodsan oo diidan siyaasadda Trump.

Tobaneeyo booliis ah ayaa uga digay dibad-baxayaasha inay ka fogaadaan goobta uu ka dhacayey isu soo baxa ee gobolka New Mexico, hase yeeshee cidna ma dhageysan.

Dibadbaxayaasha ayaa sitay boorar ay ku qoran yihiin erayo ay ka mid ahaayeen “Trump waa fashiiste”, “Waan maqalnay wax nagu filan”, waxayna sidoo kale gubeen funaanado ay ku qoran yihiin hal ku dhigga Trump ee ah “Ka dhiga Ameerika mid weyn mar kale.”

Dhagxaan iyo dhallooyin ayaa sidoo kale la tuurayey, kuwaas oo waxyeello gaadhsiiyey mid ka mid ah albaabada xarunta Albuquerque Convention Center, oo kulanku ka dhacayey.

Sidoo kale qaar ka mid ah dibad-baxayaasha ayaa guddaha u galay xarunta, iyaga oo arbushay hadalkii uu jeedinyey Trump.

Trump  ayaa waxa hore dibed-baxa ugala kulmey gobolka California.

bandhige@gmail.com