Guddoomiye Cirro waxa uu maanta qaatay kaadhka codbixinta

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi โ€œCirroโ€ oo ku maqnaa dalalka Maraykanka iyo Kanada beryihii u dambeeyey ayaa waxa uu maanta iska diwaangeliyey goobta Khayriyada Hargeysa oo ka mid ah gooba ay wali diwaan-gelinta cod-bixiyayaasha Gobolka Maroodi-jeex wali ka socoto.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi โ€œCirroโ€ ayaa waxa qaadashada kaadhka diiwaan-gelinta ku wehelinaayey xubno sare oo ka tirsan xisbigiisa.

Kadib marii uu isdiwaan-geliyey ayaa waxa uu kula hadlay qaar ka mid ah warbaahin xaruntaa diwaangelintu ka socotay, waxaanu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay qaadashada kaadhka diiwaan-gelinta, waxaana uu shacabka Somaliland uu ku hambalyeeyey sida habboon ee ay isu diiwaan-geliyeen, isaga oo dhanka kalena goballada aanay ka qabsoominna ugu baaqay in ay ka qeyb-qaataan diiwaan-gelinta isna diiwaan-geliyaan, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Waxa aan ku faraxsanahay in aan maanta iska diiwaan-geliyey magaalada Hargeysa, gaar ahaan goobta khayriyadda oo ah goob taariikhi ah oo ku suntan taariikhda Somaliland, waxa aan shacabka Somaliland ku hambalyeynayaa in ay diiwaan-gelinta ay si habboon uga hawl-galeen oo ay uga qeyb-galeen dhammaan goballada ay ka soo qabsoontay diiwaan-gelintu oo ay ka mid ahaayeen goballada Togdheer, Awdal, Saaxil iyo Maroodi-jeex oo ay beri ugu dambeyso, waxaana aan ugu baaqayaa goballada hadhey ee Sanaag iyo Sool-na in ay shacabka Somaliland ay si wanaagsan isu diiwaan-geliyaan, waxaana aan qabbaa in ay diiwaan-gelintu ay ka mid tahay guulaha taariikhiga ah ee shacabku gaadhay.โ€

Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi โ€œCirroโ€ waxa uu sidoo kale sheegay in dawladda Maraykanku uย  soo xaqiijisay in diiwaan-gelinta laga wado Somaliland ay tahay mid casri ah oo aan laga samaynin dalal badan oo caalamka ah isla mar ahaantaana la adeegsanaayo qalab casri ah oo saamixi kara in Somaliland ay ka qabsoonto doorasho hal cod ooh al qof ah, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

โ€œWaxa na loo xaqiijiyey markii aanu tagnay Mareykanka in diiwaan-gelinta Somaliland laga sameynayaa ay tahay mid casri ah oo aan dunida hore loogga qaban, marka waxa aan jeclahay in aynu ka faa’ideysanno wakhtiga, si wanaagsanna isu diiwaan-gelinno si aynu u helno doorasho wanaagsan oo hal cod(One Vote), hal qof ah(One Man), oo qofka muwaadinka ahi uu lee yahay hal cod oo kaliya ah.”

bandhige@gmail.com