Guddoomiye Cirro wuxu garsoorka ku ammaanay sii-daynta Xiddigaha Geeska

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabadiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Ciro” war qoraal ah ayuu ku baahiyey barta uu ku leeyahay Facebook kaas oo uu ku soo dhaweeyey  go’aan’ii ay maxkamadda gobolka Hargeysa ay ku amartay in la sii daayo xoriyaddoodiina loo soo celiyo xubnihii ka midka ahaa fannaaniinta Xiddigaha Geeska ee dhawaanta Hargeysa lagu xidhay kadib markii ay ka soo tumeen Muqdisho.

Cabdiraxmaan-Cirro oo ah Guddoomiyaha Wakiillada isla markaana ah Guddoomiyaha Waddani ayaa u mahad celiyey guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland, wuxuna ku ammaanay dib-u-habaynta ballaadhan ee uu ku sameeyey dhammaan laamaha garsoorka Somaliland.

“Waxaan u mahad-celinayaa garsooraha Maxkamada Gobolka Maroodijeex Axmed DalmarI Ismaaciil oo amray in la sii daayo fannaaniintii Xiddigaha Geeska ee sida sharci-darrada ah ugu xidhnaa magaalada Hargeysa” ayuu yidhi Cabdiraxmaan-Cirro.

Guddoomiye Cirro wuxu qoraalkiisa ku xusay in garsooruhu ku dhiiraday go’aan geesinimo leh oo sharciga waafaqsan. Waxa kale oo uu mahadnaq u jeediyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadan Xaaji Cali Axmed oo uu tibaaxay in uu isbeddel ballaadhan ku sameeyey bahda garsoorka dalka isla markaana uu horseed ka noqday in shacbiga la mariyo hannaanka dacwadaha madaniga ah. h