Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed iyo wefti xisbiga ah oo uu hoggaaminayo, ayaa kormeer indho-indhayn ah kusoo maray goobaha ay ka socoto bixinta kaadhadhka codbixiayaasha ee gudaha magaalada Berbera.
Guddoomiye Maxamed Kaahin oo ay wehelinayaan Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga Axmed Cabdi Dheere, guddoomiyeyaasha heer gobol iyo heer degmo ee KULMIYE ee Gobolka Saaxil, saraakiisha xisbiga u qaabilsan Komishanka Doorashooyinka qaranka iyo xubno kale, ayaa u guurgalay sida ay u socoto bixinta kaadhadhka codbixinta oo maalmihii u dambeeyey ka socotay gobolka iyo caqabadaha ku gedaaman.
Masuuliyiinta KULMIYE waxay soo mareen goobo badan oo ku yaalla gudaha magaalada Berbera oo ay ka mid yihiin; 26-ka June, Daaroole, Barwaaqo, Jaama’laaye, Cumar Binu Khaddaab, Saaxil, Burco Sheekh iyo Fiinlaanta, waxaanay kula kulmeen dadweyne qaadanaya kaadhadhkooda iyo sida ay u socoto hawsha bixintoodu.
Madaxda weftiga iyo saraakiisha wehelinayey waxay dadweynaha reer Berbera iyo guud ahaan shacabka Gobolka Saaxil farriin ku boorriyeen inay si buuxda u qaataan kaadhadhka, una dulqaataan wixii caqabado ah ee ay kala kulmaan.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Gobolka Saaxil Yuusuf Axmed Maxamed (Halac Dubad-dhegoole) oo warbaahinta la hadlay, ayaa muujiyey in xisbigu dareen ka qabo gaabis ay ku socoto hawsha qaadashada kaadhadhka codbixintu, isagoo baaq u diray Komishanka Doorashooyinkana, waxaannu yidhi:
“Waxaannu wadnaa wacyigelintii aannu hoggaanka xisbiga kula soconay ee aannu ku kormeeraynay qaybinta kaadhadhka ee magaalada, waxaanay hoggaanku goobaha aannu markay ku arkeen in dadku yar yahay, Komishankana waxaannu u soo jeedinaynaa in waqtigu yar yahay oo dadkii ay yar yihiin, waxaannuna ka codsanaynaa in muddo kooban lagu daro.”
Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa si cad u sheegay inaanay xisbi ahaan wadin wax olole ah, balse ay ku hawllan yihiin sidii ay bushada ugu dhiirrigelin lahaayeen qaadashada kaadhadhka codbixinta, isaga oo xusay inay xisbi ahaan caqabadaha jira u gudbin doonaan Guddiga Doorashooyinka, waxaannu yidhi:
“Wacyigelin weyn bay ka qaateen maamulka gobolku qaadashada kaadhadhka, imikana ma socdo olole siyaasadeed oo dadka cod lagaga doonayaa, laakiin xisbi ahaan waxa keliya ee aannu dadka kala qaybgelaynaa waa inaanu nidhaahno kaadhadhka qaata, duruufaha adag ee jirana waa laga wada socdaa xisbiyada iyo Komishanka, annaguna inta nagaga beegan Komishanka waanu wargelinaynaa.”
Waxa kaloo uu Guddoomiyuhu uu ugu baaqay shacabka ku dhaqanka Gobolka Saaxil iyo degmooyinkiisa inay si midaysan u qaataan kaadhadhka codbixinta oo ku tilmaamay fursad aan mar dambe soo laaban doonin haddii aan iminka laga faa’iidaysan, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:
“Dadweynaha Gobolka Saaxil guud ahaan, gaar ahaan magaalo madaxda iyo degmooyinka kaleba waxaannu ugu baaqaynaa oo aannu leenahay waa fursad aad u qaali ah oo laga yaabo qofka maanta kaadhka qaataa uu codka ku bixin doono, muddo ay soo noqon doontana la garanmaayee kaadhka halla qaato oo halla kaco, komishankana waxaynu uga baahanahay inuu qiimayn sameeyo.”
Halkan hoose ka daawo muqaalka warkan:
bandhige@gmail.com