Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee KULMIYE iyo wefti uu hoggaaminayo waxa lagu soo dhaweeyey Degmada Cadaadley iyo Deegaanno hoos yimaadda

 

Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE iyo wefti uu hoggaaminayo oo xukuumadda iyo xisbiga katirsan, ay aa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey degmada Cadaadley iyo deegaanno hoos yimaadda.

Weftigan oo ay xubno ka yihiin, guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee KULMIYE Md. Axmed Cabdi Dheere, wasiirka wasaaradda Duulista iyo gaadiidka cirka Md. Farxaan Aadan Haybe, Siyaasi Cabdilaahi Cismaan Jaamac (Geeljire), guddoomiyaha garabka haweenka u qaabilsan gobolka Maroodi-jeex Marwo Xusni Maxamed Warsame,xubno kale oo siyaasiyiin iyo madax-dhaqameed kasoo jeeda deeegaannada, ayaa safar shaqo oo ay ugu guurgelayaan xaaladda dadka iyo deegaanka ku tegay degmada Cadaadley iyo deeggaano tiro badan oo hoos yimaadda, waxana ay sidoo kale xadhiga ka jareen tiro xafiisyo ah oo xisbiga KULMIYE ku yeelan doono halkaas.

Deegaannada Balli Qaasim, Gadhka Warsame Xaad iyo Weeraarta oo ay ugu horrayn weftigu socdaalkooda ka bilaabeen, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey, waxana halkaas ku qaabilay taageerayaal tiro badan oo xisbiga KULMIYE halkaas ku leeyahay, kuwaas oo caleemo qoyan iyo astaanta xisbiga KULMIYE lulaya, isla markaana muujinaya sida ay uga go’antahay taageerada ay KULMIYE u hayaan.

Masuuliyiinta xisbiga iyo xukuumadda u qaabilsan deegaannadan oo halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa sheegay in xukuumaddu wax badan halkaas ka hirgelisay, iyaga oo intaasna ku daray inay jiraan waxyaabo noloshooda muhiim u ah oo ay xisbiga ka dalbanayaan inuu qorshihiisa dhow ku darsado, waxana taas beddelkeeda masuuliyiin weftiga katirsan oo ay kamid yihiin Guddoomiye Axmed Cabdi Dheere, wasiir Farxaan Aadan Haybe, Siyaasi Cabdilaahi Jaamac Geeljire, marwo Xusni iyo xubno kale oo halkaas ka hadlay sheegeen inuu xisbiga KULMIYE diyaar u yahay inuu sii ambo qaado waxqabadkiisa, waxana ay ka codsadeen inay codkooda la garab galaan.
Intaas kadib waxa ay weftigu u jihaysteen dhinaca degmada Cadaadley, waxana halkaas si diirran ugu soo dhaweeyey taageerayaasha KULMIYE ee degmada ku dhaqan iyo madaxdooda oo ay horkacayaan salaadiinta deegaanka miisaan ku leh oo uu kamid yahay suldaan Maxamed Suldaan Barre, waxana ay goob fagaare ah kala hadleen taageerayaashii soo dhaweeyey.

Cuqaasha, Salaadiinta, waxgaradka iyo masuuliyiinta xisbiga iyo xukuumadda u qaabilsan degmada Cadaadley oo halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey weftiga uu hoggaaminayo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee KULMIYE, waxana ay taxeen waxyaabo noloshooda muhiim u ah oo uu xisbigu u qabtay muddadii uu talada dalka hayey.

Masuuliyiin xisbiga katirsan oo iyaguna shacabka la hadlay, ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta loo sameeyey, waxana ay sheegeen inuu xisbigu ku hawllan yahay sidii uu ururin lahaa baahiyaha ay deegaannadani qabaan, si uu ugu darsado qorshihiisa soo socda ee uu doorashooyinka soo socda ku geli doono, iyaga oo ka codsaday inay codkooda ugu deeqaan xisbiga KULMIYE si horumarka la gaadhay loosii ambo qaado.
Dhammaanba deegaannada Balli-qaasim, Gadhka Warsame Xaad iyo degmada Cadaadley qudheeda, ayuu guddoomiye ku-xigeenka labaad ee KULMIYE Md. Axmed Cabdi Dheere ka furay xafiisyo cusub oo uu xisbigu halkaas ku yeelan doono, kuwaas oo ay taageerayaashax xisbiga ee halkaas arrimahooda ku qabsan doonan waqtiga doorashada.

bandhige@hotmail.com