Xisbiga Kulmiye wuxu soo bandhigay Barnaamij-Siyaasadeedka uu dalka ku hagayo 2017-2022

 

Xisbul-xaakimka Somaliland ayaa maanta soo bandhigay Barnaamij-Siyaasadeedka xisbigu dalka ku hagayo 2017-2022 haddii mar labaad loo doorto in uu haggaanka dalka sii hayo.

Madaxweynaha Somaliland, Madaxweyne-Xigeenka, Guddoomiyaha Kulmiye, xubnaha Golaha Wasiirrada ee xukuumadda Kulmiye iyo dadweyne kale oo tiro badan ayaa ka qayb-galay madasha.

Salaadiintii madasha ka soo qayb galay waxa ka mid ahaa Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cabdillaahi iyo Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdiraxmaan.

Soo-bandhigga barnaamij-siyaasadeedka Kulmiye ayaa ku soo beegmaya wakhti ay doorashadii madaxtooyada innaga xigto 2 bilood.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan: 

Bandhige@gmail.com