Guddoomiye-Xigeenka Waddani oo booqday odayaasha xidhan ee reer Awdal, baaq nabadeedna diray

Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiye-Xigeenka xisbiga Waddani ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Axmed Muumin Seed ayaa xabsiga dhexe ee Hargeysa ku booqday madax-dhaqameedkii reer Awdal ee la soo xidhay kadib weerarkii 7-dii October loo gaystay guriga badhasaabka Awdal halkaas oo ay ku geeriyoodeen laba askari laba kalena ku dhaawacmeen.

Guddoomiye Seed wuxu sheegay in odayaashu ay bed qabaan isla markaana aan loo gaysan wax dhibaato ah.

“Way fiican yihiin waanay nabad qabaan. Wax dhibaato ah oo loo gaystayna nooma ay sheegin marka laga reebo jugihii yaraa ee soo gaadhay markii ay RRU-du soo xidhaysay” ayuu yidhi guddoomiye Seed mar uu waraysi gaar ah siiyey Star TV.

Guddoomiye Seed wuxu rajo ka muujiyey in odayaashan la sii dayn doono wuxuna baaq nabadeed u diray bulshada Awdal.

“Reer Awdaloow Somaliland innaga ayaa iska leh. Qarankan innaga ayaa Boorama ku soo aasaasna. Cidina innagama laha. Waxa loo baahan yahay in aynu nabadda ilaashano oo aan dhallinyarada xumaan lagu beerin” ayuu yidhi Muumin Seed.

Guddoomiye Axmed Muumin Seed waxa uu dawladda ku canaantay in ay tahay ta mar walba rabshada abuuraysa. Waxanu yidhi.

“Xukuumaddii ay ahayd in ay nabadgalyada sugto ayaa iyadii amnigii iyo nabadgalyadii in ay wax yeesho looga baqayaa.”

Dadka loo soo xidhxidhay weerarkii lagu ekeeyey guriga Badhasaabka oo dhammaantood ka soo jeeda jufada hoose ee Suldaan Wabar Guddoomiye-xigeenka shirkadda Telesom  Cabdiraxmaan Maxamuud “Aw Gaab”, Caaqil Faarax Nuur “Gaagaale”, Duqii hore ee Boorama Sulaymaan Xasan Xaddi “Afar-jeeble”, Madaxii talaallada Boorama Dr. Siciid Bile, ganacsade Idiris Aadan Xasan, ganacsade Dumaal iyo xubno kale oo madax-dhaqameed ah.

Hoos ka daawo muuqaalka waraysiga Axmed Muumin Seed iyo Barkhad Jaamac Xirsi ay siiyeen telefishanka Star TV.