Isku-aadka wareegga labaad ee ciyaaraha gobollada

Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska ayaa maanta shaacisay sida ay isugu beegmayaa gobollada ku guulaystay in ay u soo gudbaan wareegga labaad ee ciyaaraha gobollada Somaliland.

Wareeggii koowaad ee ciyaaraha oo lagu kala qabtay Burco iyo Boorama waxa ka soo kala baxay meeshiiba afar kooxood.

Intii Boorama ku ciyaartay waxa wareegga labaad u soo gudbay xulalka gobollada Gabiley, Awdal, Saaxil iyo Hawd halka ay Burco-na ka soo gudbeen xulalka Xaysimo, Daad-madheedh, Sool iyo Sanaag.

Isku-aadka ay maanta soo saartay Wasaaradda Dhallinyarada Ciyaarihuna waa sidan:

 

Group A Group B
Xaysimo Gabiley
Saaxil Daad-madheedh
Awdal Sool
Sanaag Hawd

 

Wareegga labaad ee ciyaaraha gobollada waxa martigelin doonta magaalo-madaxda. Hase ahaatee waxa wali Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha laga sugayaa jadwalka ciyaaruhu ku qabsoomayaan.

Ciyaarihii gobollada ee Boorama ka qabsoomay waxa doorkan aad u hadheeyey rabshado sababay dhimashada laba qof. Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Booliska Somaliland waxa haatan saaran cadaadis weyn oo la xidhiidhs sugidda amniga iyadoo aanay weli qanacsanayn kooxdii Maroodi-jeex ee la shaaciyey in la reebay.

Bandhige@gmail.com