Guddooyimaha Gobolka Maroodi-jeex wuxu digniin adag u direy Dawlada ingiriiska, kadib markii ay soo saartay war-bixin ka dhan ah amniga Somaliland

 

Guddoomiyaha gobolka m-jeex Mudane Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug “Buraale” ayaa wuxuu maanta shir jaraa’id ku qabtey xafiiskiisa, isagoo kaga xaal waramey amniga guud ee dalka, ugu horreyn wuxuu guddoomiyuhu warbixin kooban ka bixiyey nabadda buuxda ee ka jirta guud ahaanba Jamhuuriyada Somaliland, isagoo ka warramayana waxa uu yidhi:

“Mahad oo dhami alley u sugnaatey illaaha nabadqab inagu soo gaadhsiiyey bilashada bisha barakeysan ee “RAMADAAN”, marka xiga waxaan si hagar la’aan ah ugu mahadnaqayaa shacabka JSL oo markasta heegan buuxa ugu jira nabadgalyada dalka iyo horumarka, runtiina may suurto gasheen nabadgalyadaas buuxda ee dalka oo dhan ka jirta haddii aanay shacabka Somaliland ahayn wada police.”

Guddoomiye Buraale waxa uu intaasi ku darey isagoo fariin u diray dhamaanba bulshada ku nool gobolka Maroodi-jeex gaar ahaan caasimadda Hargeysa, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Shacbi weynaha ku nool guud ahaan gobolka m-jeex gaar ahaan caasimadda hargeysa waxaan ugu baaqayaa inay si wada jir ah ula shaqeeyaan ciidamada police jsl, ee hadh iyo habeenba heeganka ugu jira ilaalinta iyo adkeynta nabadgalyada dalka, waxaan farriin adag u dirayaa dhammaanba waalidiinta ku kala nool degmooyinka caasimda hargeysa inay ubadkooda si adag uga warhayaan oo ku kaantaroolaan gacan adag, waayo hadii nabadgalyo darro lagu qabto ciidanku ma aqbali doonaan masjidbuu ku jirey iyo waxbaan u dirsadey toona, waa la xareynayaa gacan adagna waa lagu qabanayaa iyadoo xadhig iyo xukunba lala cuskan doono, waalidiin ka illaashada ubadkiina iney ku kacaan falal amni darro ah.”

Guddoomiye Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug “Buraale” mar su’aal laga waydiiyey waxa ka jira warbixin ay daabaceen joornaallada kasoo baxa caasimada hargeysa sida ay qoreen ahayd in ay dawlada ingiriisku warbixin ay ku baahisay mediaha caalamka ay ku dartey Somaliland iney ku jirto liiska waddamada ugu argagaxisada badan waxa uu kaga jawaabay:

Waxaan dawlada ingiriiska u sheegayaa in Somaliland ay tahay dal nabdoon ay dimuqraadiyada si toos ah uga hanaqaadey, suurto galna maaha in nalagu daro dalalka argagaxisadu ku nooshahay, runtii annaga shicibkayagu waa wada police amnigana iyagaa ilaashada dalkayaguna wuu ka madax bannaanyahay in lagu sheego argagaxiso ee warbixitaas dib ugu noqda.”

bandhige@gmail.com