Gudidda Joogtada ah iyo Anshaxa ee Golaha Wakiiladda JSL ayaa maanta Kulan la yeeshay Madaxda Sare ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyada .

Gudidda Joogtada ah iyo Anshaxa ee Golaha Wakiiladda JSL ayaa maanta Kulan la yeeshay Madaxda Sare ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyada oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradaasi Dr. Sacad Cali shire.
Kulankan oo uu shir-gudoominayey Ku-simaha Gudoomiyaha Gudidda Md. Axmed Cabdi Muuse (Axmed Qani) isla markaana ay joogeen xubnaha gudida ayaa wasiirka lagaga xog-waraystay xaalada guud ee dhaqaalaha dalka, miisaaniyadda iyo Cashuuraha dalka.
Wasiirka ayaa si waafiya xogo uga bixiyey qodobadaasi kala duwan.
Mudanayaasha gudida ayaa geesta kale su’aalo kala duwan waxa ay weydiiyeen wasiirka, isagoo wasiirkuna si faah-faahsan uga jawaabay dhammaanba su’aalahaasi.