Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ,jadwalka maalmaha fasaxa Qaranka.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, isaga oo tix-raacaya Xeerka Shaqaalaha Dawladda (Xeer Lr.97/2022), Qodobkiisa 64aad, iyo jadwalka maalmaha fasaxyadda Qaranka, waxa uu ku wargelinayaa dhammaan Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dawladda JSL. In shaqaalaha dawladdu ay fasax ka yihiin shaqada, maalinta Arbacada ee bishu tahay 19/07/2023 munaasibadda Awal Muxarram ee Sannadka Cusub ee Islaamka awgeed (01/01/1445).
Haddaba, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu, isaga oo ku hadlaya afka dhammaan shaqaalaha dawladda, waxa uu Hambalyo u dirayaa dhammaan Shaqaalaha Dawladda, xaasaskooda iyo carruurtooda munaasibadda Awal Muxarram ee Sannadka Cusub ee Islaamka awgeed, waxaana uu u rajaynayaa in aynu ku gaadhno sannadkan sannadkiisa, badhaadhe iyo nabad-gelyo waarta, Insha Allaahu.
F.G: Waxaana shaqada dib loogu soo noqonayaa maalinta Khamiista ee bishu tahay 20/07/2023.
Allah Mahad Leh
khaalid Jaamac Qodax Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL.