Gudidda Siyaasadda Miisaaniyadda Dawladda Oo Kulankoodii Uugu Horeeyey Ka Yeeshay Diyaarinta Miisaaniyadda 2024.

Gudidda Siyaasadda Miisaaniyadda Dawladda Oo Kulankoodii Uugu Horeeyey Ka Yeeshay Diyaarinta Miisaaniyadda 2024.
…………………………………………………………………………
Hargeisa 24 June, 2023 {WHM}- Iyada oo laga shidaal qaadanayo Xeerka Maamulka Maaliyadda Dawladda ee Xeer Lr.75/2016, is la jeerkaasna la raacayo kal-tirsiga {Budget Calendar} diyaarinta miisaaniyadda, waxa ay Guddiga Heer-Qaran ee Siyaasadda Miisaaniyadda Dawladdu yeesheen kulankoodii shaqo ee uugu horeeyey ee diyaarinta Miisaaniyadda sanadka soo socda ee 2024.

Kulan-hawleedkan oo uu shir-gudoominayey Gudoomiyaha Guddiga ahna Wasiirka Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire waxa ka soo qaybgalay Wasiirada Wasaaraddaha Qorshaynta, Arrimaha-Gudaha, Maalgashiga, Warfaafinta, Ganacsiga, Deegaanka, Waxbarashada, Wasiir-Xigeenka Maaliyadda, Agaasimaga Guud ee Maaliyadda, Madaxda Waaxaha Dhaqaalaha & Tirokoobka Maaliyadda, Miisaaniyadda & Qorshaynta, saraakiil iyo hawl-wadeeno ka tirsan Wasaaradda H. Maaliyadda.

Waxaana bilawgii kulan-hawleedka Gudiga sharaxaad laga siiyey xaaladda guud ee dhaqaalaha Dalka, iyada oo loo qaybiyey nuqulo ah Xaashida Guud-Marka Dhaqaalaha {Budget Outlook Paper}. Tani waa talaabada kowaad ee geedi-socodka diyaarinta Miisaaniyadda Dawladda. Xaashida Guud-Marka Dhaqaalaha oo ah bar-bilawga hawsha diyaarinta miisaaniyadda ayaa ka kooban shan qaybood kuwaasi oo kala ah:

1. Qaybta 1aad: waxa ay si kooban oo cad u tibaaxaysaa hanaanka diyaarinta odoroska sanadlaha ah ee miisaaniyadda iyo waliba kaalinta Guddiga Siyaasadda Miisaaniyadda.
2. Qaybaha 2aad, 3aad iyo 4aad: waxa ay si guud-mar ah uuga warbixiyaan guud ahaan xaalada dhaqaale ee dunida iyo gaar ahaan kan Somaliland.
3. Halka qaybta 5aad ay muujinayso qaab-dhismeedka uu yeelanayo ku-talo-galka odoroska miisaaniyaddu.

Ugu danbayn, waxa kulankani intii uu socday la is kula jeexjeexay meelaha ay tahay in mudnaanta la siiyo sanad miisaaniyaddeedka soo socda ee 2024 hadii Rabi ogolaado. Kulan-hawleedkan oo ah bar-bilawga geedi socodka diyaarinta miisaaniyadda 2024 sidii aanu sare ku soo sheegnay, waxa kulamada xiga loo balansanyahay todobaadyada soo socda sida uu qorshuhu yahay.

Hawasha diyaarinta miisaaniyadda dawladda ayaa sida caadada ah bilaabanta bisha May ee sanadkasta ilaa iyo dhamaadka bisha October.

=Wabillaahi Tawfiiq=
Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka JSL
Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland
Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha
Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL
Somaliland Ministry of Education and Science
Wasaaradda Warfaafinta JSL
Wasaarada Arrimaha Gudaha JSL