Gudomiye ku xigeenka koobaad ee golaha wakiilada Somaliland oo Xafiiskiisa ku qaabiley Wefti ka socda UK.

Hargeysa (Dawan):- Gudomiye ku xigeenka koobaad ee golaha wakiilada Somaliland Mudane Siciid Faaxar Mire Giire, xafiiskiisa ku qaabiley wafti ka socday dalka UK Guddoomiye Giire oo si qoto dheer uga hadlay waxyaabihi ay kawada hadleen mudadii ay shirka kuwada jireen waftiga.

Waxa uu yidhi.”Waxaan manta(shalay) xafiiskayga ku qaabilay wefti ka socday baarlamaanka Ingiriiska oo uu hoggaaminayo xildhibaan Alexander Stafford iyo xubno kale oo ka mida Baarlamaanka Ingiriiska.

Waxan ka wada hadalnay xidhiidhka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada wadan ee muddada dheer soo jiray iyo sidii lays iskaga kaashan lahaa barnamujyada muhiimka ah ee labada wadan ka dhaxeeya.

Xubnahan barlamaanka Ingiriiska ka tirsan oo ah xubno u ololeeya qadiyada Somaliland, ayaa intii kulan kayagu socday waxan isla garanay dedaallada iyo geedi socodka ictiraaf raadinta inay door muhiima ka qaatan isla markaana Hormuud Ka noqdaan Wadan ahaan.

Waxan kaloo isla soo qaadnay in ahmiyad weyn la siiyo arimaha geedi socodka doorashooyinka iyo dimuqraadiyada.

Ugu danbayn waxan uga mahad naqnay dedaaalka balaadhan ay u hayaan in dalkani noqdo qaran ka mida Adduunka, waxanan ku dheeri gelinay inay sii xoojiyaan dedaalkaa iyo hawshaas ay wadaan.”

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

Bandhige@gmail.com