Guddoomiyaha ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe Ayaa Maanta Booqasho ku tagay Goobo muhiima oo ku yaal Magaalada Burco, kalana ahaa Suuqa, Sayladda Xoolaha, Xarunta Halkaraan iyo Xarunta Warbaahinta ka hawl-gasha Magaalada Burco Ee Todheer Media.
Guddoomiyaha iyo waftigiisa ayaa saaka subaxnimadii waxaa ay booqasho kadis ah ku tageen Suuqa ganacsi Ee Magaalada Burco, iyadoo uu halkaas-na ay kala kulmeen soo dhawayn diiran, waxaanu Gudoomiyuhu u kuur-galay Xaaladda dhabta ay ku suganyihiin bulshada ku ganacsata Suuqaasi, maadaama uu jiro sicir-barar saameen taban ku yeeshay nolosha bulshada.
Bulshada ayaa si isku mid ah dareenkooda uga cabbiray Sixir-bararka iyo saameenta taban ee uu noloshoodi iyo ganacsigoodiba ku yeeshay, waxaanay cod-dheer ku sheegeen in ay u baahanyihiin xal rasmi ah oo lagu furdaamiyo Sixir bararka.
Intaasi ka dib Gudoomiyuhu waxaa uu uga gudbay Sayladda Xoolaha Ee Burco, iyadoo halkaas-na uu kala kulmay Soo dhawayn aad u balaadhan, iyadoo markii danbena Gudoomiyuhu uu xaal-waraystay Bulshadii ku sugnayd Sayladda, waxaanay u sheegeen in Xoolihii Dhamaaday, isla markaana ta baddalkeeda Xoolihii baladiga ahaa uu yahay kan hadda lagu iibinayo Sayladda, sidoo kale waxay tilmaameen in Qiimihii Xooluhu uu sare u kacay, sixir-bararka jira awgeed, qiima-dhac-na ku yimid Shilinkii Somaliland.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa intaasi ka dib wuxuu booqday Xarunta Akhris-ka Iyo Qoraalka Halkaraan Ee Burco, waxaanu halkaasi ku soo dhaweeyay Masuuliyiinta Ururkaasi Halkaraan.
Guddoomiyaha Ururka Halkaraan Ee Burco Mustafe Teacher oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay xaruntan ku soo dhawaynayaan Guddoomiyaha iyo Waftigiisa, waxaanu xusay in Gudoomiye Faysal yahay Gudoomiyihii kowaad ee soo booqda Xaruntan, sidoo kale waxaa uu milicsaday Taarikhdii la furay Xaruntan oo ahayd 2009, isagoo sheegay in Gudoomiye Faysal Door Muhiima ku lahaa yagleelidii Xaruntan.
Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in Xaruntan ay ka faa’idaystaan Dhalinyarada Magaalada Burco, waxaanu sheegay in buugaagta ku qoran af-soomaaligii ay ku yar-yihiin Xaruntan, isla markaana ay u baahanyihiin in wax lagala qabto horumarinta Xaruntan.
Guddoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo halkaasi ka hadlay ayaa aad ugu amaanay dhalinyaradaasi dadaalka ay sameeyeen, waxaanu u ballan-qaaday in uu kala shaqayn doono horumarka Xaruntan.
Ugu danbayn Guddoomiyaha ahna Murasahxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe waxaa uu booqashadiisi Saaka uu ku soo af-meeray Xarunta Warbaahinta ka hawl-gasha Burco ee Tog-dheer Media Center, Waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Madaxda iyo suxufiyiinta Xaruntaasi.
Guddoomiyaha Xaruntaasi Siciid Saleebaan oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin Booqashada Gudoomiye Faysal CaliWarabe, Waxaanu sheegay in uu yahay Gudoomiyihii ugu horeeyay ee soo booqda Xaruntoodan.