Qaramada Midoobay waxay sheegtay in ay hal milyan oo carruur ahi ka qaxeen Suudaanta Koonfureed

 

Dagaalka iyo macluusha ka taagan dalka Suudaanta Koonfureed ayaa ku khasbay in ka badan hal milyan oo carruur ah in ay ka qaxaan dalkaasi, taasoo keentay walaacii ugu weynaa ee arrimaha qaxootiga caaalamka, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay.

Sidoo kale tiro intaa la eg ayaa ku barakacday guddaha dalka, sida ay hay’addu sheegtay.

Valentin Tapsoba, oo ah madaxa Afrika ee hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in xaaladda carruurta dalkaasi ay tahay tan ugu walwalka badan ee dunida ka taagan.

In ka badan 62% ka mid ah labada milyan ee qof ee dalalka deriska ah u qaxday ayaa la sheegay in ay carruur yihiin.

Ku dhawaad 75% carruurta ku nool dalkaasi ma haystaan fursado waxbarasho— waxaana lagu sheegay qiyaastii ugu badnayd dunida ee carruur aan iskuulalada tagin.

Dagaalka sokeeye ee ka socda dalka shidaalka soo saara ee Suudaanta Koonfureed ayaa billowday laba sano ka dib markii uu ka go’ay Suudaan. Dagaalkaasi ayaa ka dhashay go’aanka uu madaxweyne Salva Kiir shaqada ka eryay ku xigeenkiisa 2013-kii isagoo ku eedeeyay in uu isku dayay afgmebi.

Tan iyo markaasi qarankan ugu d’ada yar dunida waxaa ka dhacay tacaddiyo badan oo ay ku jiraan kuwa ay hay’adaha qaar ku tilmaameen inay u dhigmaan isir sifeyn.

bandhige@gmail.com