“Guurtidu waxay ku fadhidaa bilaa sharci, mushaharka ay qaataana waa xaaraan” Faysal Cali Waraabe

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo Isniintii waraysi siiyey telefishanka Star TV ayaa dhaliilo ba’an u jeediyey Golaha Guurtida Somaliland iyo khudbaddii uu Madaxweyne Siilaanyo jeediyey 18kii May.

Faysal wuxu jileec ku tilmaamay in Madaxweyne Siilaanyo khatar u arkay ciidanka loo samaynayo Soomaaliya, wuxuna yidhi “Innagoo jabhad ah ayaynu burburinay ciidankii Afrikada Saxaaraha ka hoosaysa ugu xoogga weynaa marka laga reebo Nayjeeriya. In uu maanta ka cabaado ciidan-beeleed la isku keenayo oo uu jileec muujiyo shacbigana babiso u rido may ahayn.”

Faysal waxa kale oo uu Madaxweynaha ku dhalliilay in uu Guurtida diiddanaa 2009-kii maantana saaxiib la yahay. “2009-kii markii lixda qodob adduunku nagu dhexdhexaadiyey Madaxweyne Siilaanyo wuxu yidhi Guurtidu distoori maaha ee yaan arrinka loo dhiibin maantana wuxu leeyahay Guurtidu waa sharci. Taas waxan u arkaa in aanay hadal nin weyn ahayn.”

Faysal waxa uu Guurtida ku tilmaanay in aanay sharci ku fadhiyin isla markaana ay u taagan yihiin dhibaataynta Somaliland, wuxuna yidhi “Guurtidu sharci maaha, bilaa sharci bay ku fadhidaa, bilaashbaa lacagta ummadda loo siiyaa. Mushahar waxay qaataan xaaraan ah. Haddii maantana arrinkaa (wada hadalka muddo-kordhinta) aan ku heshiin wayno, iska daa iyagoo ballan waxan kuugu qaadayaa in dhismahooda dhagaxa loo qaado.”

Guddoomiye Faysal oo beryahan u dambeeyey dhalliilo u soo jeedinayey Guurtida Somaliland ayaa 11-kii May, maalintii ay muddo-kordhinta u sameeyeen Madaxweyne Siilaanyo, shir jaraa’id oo uu qabtay Guurtida ku sifeeyey in ay yihiin “gun”.

bandhige@gmail.com