Tilmaamaha Maalmaha

Guud ahaan, dunidu waxay isla aqoonsan tahay jiritaanka toddoba maalmood. Af walibana wuxuu u leeyahay magacyo uu u kala yaqaan toddobadaas. Afka Soomaaliga ah, sida Boobe Yuusuf Ducaale kasoo weriyey Allaha u naxariistee Xasan Sheekh Muumin, waxay ahaayeen inagoo isugu xijinayna siday maalmuhu isugu keen xigaan: Koobin (Axad), Lammin, Lamtoka, Koodaar, Hakisa, Hakis-Bila, iyo Soo-Roga (Sabti). Ereyadaas waxa carruurta lagu bari jirey ciyaar-carruureed ilaa berri dhawayd soo gaadhay. Waxa intaas dheermagacyo kale oo loo yaqaan maalmahan. Halkan kuma cadda sida lagu ogaaday magacyadan iyo in hadda la isticmaalo toona.

Siday doonto ha ahaatee, waxa maanta geyiga Soomaaliyeed laga adeegsadaa magacyada Carabtu u taqaan maalmaha. Marka laga yimaado magacyada, waxa kale ee umad waliba siisaa maalmaha tilmaamo ku xidhan goor sida shalay, maanta iyo beri. Saddexdan, ugu yaraan, waxaad moodaa in afafku ka siman yihiin. Wixii shalayna ka horreeyey berrina ka gadaaleeya, afafku waxay u badan yihiin qaar aan u lahayn ereyo u sargo’an arrintaas. Afka Ingiriiska haddii tusaale loosoo qaato, waxa la yidhaa, “the day before yesterday,” oo marka si toos ah loo turjumo noqonaysa “maalintii shalay ka horaysay.” Xagga kale, maalinta berri ka gadaalaysa waxa la yidhaa “the day after tomorrow,” oo macnaheeda tooska ahi noqonayo “maalinta berri ka dambaysa.”Afka Carabiga, inkastoonan u lahayn aqoon durugsan, haddana waxaan bowsaday in tani uu kala mid yahay Ingiriiska.

Afka Soomaaligu, haddaba, wuu ka duwan yahay sidan. Maalintii shalay ka horraysay waa darraad ama dorraad, qofba si uu ugu dhawaaqaba. Maalinta berri ka dambaysana sahandambe. Intaas kumase eka. Waxa iyadna jirta saakuun. Ereygaas waxaan arkay iyadoo loo adeegsanayo laba siyood iyadoo ay ku kala xidhan tahay hadba qodobka raaca: mar waa maalintii darraad ka horraysay iyo maalinta sahandambe ka dambaysa. Haddii qodobka raacaa yahay tii waxay ka horraysaa darraad; haddii qodobku yahay ta waxay ka dambaysaa sahandambe.

Hadday sidaas tahay, Soomaaligu wuxuu leeyahay toddoba tilmaamood oo maalmuhu ku yeeshaan goor ahaan. Bal hadda eeg iyagoo u kala horreeya sida ay usoo kala hor curteen: saakuuntii, darraad, shalay, maanta, berri, sahandambe, iyo saakuunta.

Tani waxay soo meeraysaa goobada nolosha ee joogtada u socota iyadoo saakuun kuu dhiibayso saakuun.

maidhane@yahoo.com