Xubinta labaad ee barnaamijka caafimaadka Wargeyska Dawan waxa aynu ku soo qaadanaynaa todobaadkan, hababka ugu wanaagsan ee loo dawayn karo cabudhka Sanka, kaasi oo soo noq noqda mararka qaar.
Xubintan inta aynu ku jirno waxa aanu idin la wadaagi donaan habab fudud oo aad isga dabiibi karto cabudhka Sanka, waxa kale oo aynu xubinta labaad idin kula wadaagaynaa dhir aad isaga dawayn karto cabudhka Sanka adiga oo aan dhakhtar booqan,
Haddaba Cabudhku waxa uu ka mid yahay xaaladaha ugu badan ee laga cawdo xilliyada hargabka, qaboobaha iyo dadka sanboorka leh, waxaana jira dawooyin kala duwan oo loo adeegsado.
Qormadan waxa aynu ku eegaynaa is daweyn dabiici ah, ama waxa aynu ugu yeedhno dawo guri uu qofku iskaa daweyn karo ama ugu yaraan ku yarayn karo cabudhka sanka. Waxa se xasuusin ah, in dawadani aanay ahayn mid aad kaga maarmayso talada dhakhtarka.
Sinjibiil
Sida ay qoraaga Taylor Shea ku sheegtay maqaal ay qortay majaladda Reader’s Digest. Waxa aad soo qaadaysaa gobal sinjibiil ah oo aan ka dheerayn saddex his (3 Inch), waxa aad ku ridaysaa weel ay ku jiraan laba koob oo biyo la kariyey ah, kaddib inta lagu daboolo ayaa lagu deynayaa muddo 20 daqiiqo ah.
Biyahaas ayaa lagu dhex ridayaa maro cudbi ah, inta la iska hubiyo in aanay aad u kululayn si aan loogu guban ayaa wejiga lagu kubbaynayaa (Lagu diirinayaa) muddo 15 daqiiqo ah ama kudhow. Waxaa muhiim ah marka aad sidan samaynayso in aad dhabarka u jiifsato, adiga oo madaxa barkimo kor ugu soo qaadaya.
Waxa kale oo aad cabbi kartaa koob shah sinjibiil leh ah, si uu sanka u furo. Maadaama oo ay sinjibiisu liddi ku tahay caabuqa laga yaabo in uu sanka xidhay.
Duugista wejiga
Sanka hareerihiisa oo si deggen loo duugaa waxa ay dhiirrigelisaa in wareegga dhiiggu uu si dabiici ah u maro agagaarka sanka, taasina waxa ay caawisaa in xanuunka sanboorka laga raysto. Waxa aanay u dhowdahay in cabudhka ay furto.
Muddo 30 ilbidhiqsi ah sanka hareerihiisa labada farood ee murdisooyinka labada gacmood ku cadaadi kuna duuq, kuna celi saddex ama afar jeer.
Khal tufaax
Marka uu sanku ku xidhmo, waxa aad cabbi kartaa in aad u yar oo khalka tufaaxa ah. Khalku waxa uu hodan ku yahay Bootaasiyaamta oo yareeya xabka, iyo asiidh ka hortaga in abuuranto bakteeriyada sababta cabudhku.
Malqacad yar oo tufaax ah ku shub koob biyo ah, kaddibna cab. Waxa ay caawinaysaa in uu qofku ka nasto sanboorka iyo in sanku furmo.
Biyo
Biyo iyo dareere badan oo la cabbaa waa habka ugu fiican ee lagu yarayn karo xabka iyo dareeraha ku jira marinnada sanka. Taas oo iyaduna dhankeeda caawinaysa in sanku uu yeesho biyo ah xabkii ku xidhnaa oo furfurmay. In ay biyaha ama dareeruhu noqdaan kuwo diirran waxa ay si weyn u caawinaysaa in uu furmo sanka cabudhsani. Koob shah diirran ah iyo biyo caadiya oo la cabbo, iyo sida oo kale sinjibiisha ayaa iyaguna awood u leh in ay furan sanka cabudhsan.
Toon
Toontu waxa ay awood weyn u leedahay dilista jeermiska, waxa kale oo ay yaraysaa cabudhka. Toon bisili ha ka mid noqoto cuntooyinkaaga caadiga ah. Toon inta aad kariso biyaheeda isku uumi. Waxa ay awood u leedahay in ay sanka furto.
Xigasho:wargeyska dawan
bandhige@gmail.com