Machadka Diblomaasiyadda Itoobiya (EPDI) oo ka Hadlay Ahmiyadda MoU-gu

Addis Ababa (Dawan)- Madaxa machadka  diblomaasiyadda Itoobiya ee loo soo gaabiyo  EPDI  u qaabilsan Sweden, Yaasiin Axmed, ayaa sheegay in heshiiska is-afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya uu ahmiyad weyn u leeyahay ilaalinta nabada geeska Afrika iyo xasiloonida badda casba.

Sidaasna waxa masuulkaasi ku sheegay waraysi uu siiyay Wakaaladda  wararka Itoobiya ee ENA, oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka ee SOLNA, Waxaanu  caddeeyay in heshiiskani uu salka ku hayo xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta mandaqada Geeska Afrika.

Madaxa machadka diblomaasiyadda Itoobiya u qaabilsan Sweden, wuxuu tilmaamay in Itoobiya kaddin baddeed ku heli doonto marka uu taabogalo heshiiska isfahan (MoU) ee Somaliland iyo Itoobiya ee dhinacyada wada galay dhammaystiraan, isla markaana Itoobiya ay kaalin ka qaadan doonto  ilaalinta  ammaanka badda cas.

Yaasiin Axmed wuxuu intaas ku daray in heshiiska isfahan uu kor u qaadayo masaalixda dhaqaale iyo ganacsi ee geeska Afrika. Diblomaasi Yaasiin Axmed waxa uu ku dooday in sharciga caalamiga ahi uu  damaanad qaadayo in dalalka aan xeebta lahayni ay  ay door ku yeeshaan badda.

Madaxa machadka diblomaasiyadda Itoobiya u qaabilsan Sweden, wuxuu xusay in iskaashiga ammaanka iyo arrimaha millatarigu horseedi doono iskaashi la xidhiidha  dhinaca ganacsiga.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com