Hantidhawrka Guud wuxu baadhitaan ku bilaabay saddex wasaaraddood iyo ha;yaddo kadib markii uu Madaxweyne Siilaanyo ku amray in baadhitaan ku sameeyey musuqmaasuqa dhaca wakhtiyada kala guurka

 

Hantidhawrka guud ee qaranka ayaa hawlgalo baadhis oo xisaabeed ka fuliyay wasaarado iyo xarumo hayโ€™adeed oo ah kuwa dawladda dhexe.

Warar uu Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in hantidhawrka guud ee qaranku uu ka dib amarkii madaxweyne Siilaanyo hawlgalo aan laga sii war hayn oo hubin iyo baadhis xisaabeed ah ka bilaabay saddex wasaaradood iyo qaar ka mid ah hayโ€™adaha dawladda, waxaana xarumahaas ka dul dagay saraakiisha hantidhawrka guud ee qaranka oo fulinaya amarkii madaxweyne Siilaanyo.

Hantidhawraha guud ee qaranka Maxamuud Aw Cabdi Ibraahimย  oo uu Geeska Afrika isku dayay inuu wax ka weydiiyo arrimahan, ayaa si kooban u xaqiijiyay in la fuliyay hawlgalo, laakiin muu bixin faahfaahin dheeraad ah, isagoo wakhtigaas mashquul ahaa.

Geesta kale hantidhawraha oo u waramay telefishanka Bulsho, ayaa sheegay yidhi:

โ€œMadaxweynuhu wuxuu amar ku bixiyay in la bilaabo oo la wanaajiyo maamulka xisaabaadka dawlada oo laga warbixiyo lagana natiijo keeno xisaabaadka dawladda, haddaba annagoo fulinayna amarkaas guud ee madaxweynuhu soo saaray waxa noo bilaabantay inaanu bilowno baadhiso ka xoog iyo xawaare badan doona baadhishii hore u samayn jirnay taas oo ku waajahan dhamaaan maamulada kala duwan ee dawladda.โ€

Wuxuu hantidhawrku intaas raaciyay:

โ€œSidaas darteed annagoo ka tusaale qaadanayna waanada uu madaxweynuhu soo jeediyay oo dardaarankiisi ku socona kana jawaabayna amarkiisa, waxaanu galnay inaanu baadhistii xoojino.โ€

Hantidhawrka guud ayaa la filayaa inuu waaran qabasho ah u jaro cidda uu ku helo wax musuq iyo is daba marin ah, marka uu dhammaysto baadhitaanka, waxaana sidoo kale la filayaa inuu hawlgalo noocan oo kale ah ka fuliyo hayโ€™ado dawladeed oo ilaa gobalada dalka ah.

Shacabka Somaliland ayaa si weyn isha ugu haya natiijada ka soo bixi doontaย  hawlgaladan ka dhashay amarkii madaxweynaha.

Talaabadan ayaa ah tii u horaysay ee lagu fulinayo amarkii Madaxweyne Siilaanyo ee ahaa inuu la dagaalamayo musuqmaasuqa iyo wax is daba marinta, haddii ay sii socota kuna socoto nidaam hufan oo cadaaladeed, waa talaabo shacabku soo dhawayn doono.

Xigasho: Geeska Afrika

bandhige@gmail.com