HAVOYOCO oo Hargeysa Si Balaadhan ugu Xustay Maalinta dhalinyarada Adduunka

Waxaa Maanta caasimadda Hargeysa si balaadhan loogu dabaal-degay munaasibadda xuska maalinta  dhallinyarada adduunka , taas oo ay si wada-jir ah u soo qaban-qaabiyeen Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyada Somaliland, HAVOYOCO  iyo Hay’adda Caalimaga ah ee Oxform.

Munaasibadan oo si qurux baddan loo soo agaasimay ayaa ka qabsoontay Hotel  maansoor ee Magaalada Hargeysa,  waxaana ka soo qeyb-galay Madaxda dawlada oo ay hor kacayeen Wasiirka shaqo galinta arimaha bulshada iyo qoyska ,Wasirka  Waasaradaha maaliyada , Wasaaarka Cadaalada , Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha , Lataliyaha madaxweynaha ee arimaha bulshada, agaasimaha waaxda qorshaynta  ee wasaarada Dhalinyarada iyo ciyaaraha, Wasiir ku xigeenka wasaarada ariamaha dibada iyo iskaashiga caalimiga ah, masuuliyiin ka socday , hay’adda Oxform  , dhalinyarada jamacadaha  , wakiilka Somaliland ee HAVOYOCO  iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Waxaa kale oo iyagana si gaara loogu soo Casuumay dhalinyaro  la timid arimo cajiiba oo kala duwan  madasha ku soo bandhigay  hibada iyo hal abuuur ilaahay ku galaday iyagoo hirgeliyey fikrado ganacsi  sidaana kaga soo  dhex mudheen dhaliyarada asaagooda ah iyo bulshada guud ahaanaba sidaaana ay ku noqdeen tusaalaayaal nool oo la rabo in  dhalinyaradii kale ku daydaan.

Xuska maalintan  dhallinyarada adduunka oo sannad walba xilligan laga xuso caalamka oo dhan, ayaa waxaa hal-ku-dhiga sannadkan loo qaatay ,  ‘Deegaan amaan ah oo ku haboon dhalinyarada ”(Safe space for youth). Ugu horeyn, waxaa halkaasi ka hadlay   Wakiilka HAVOYOCO ee Somaliland Cabdilaahi Maxamuud Xassan Guddoomiyaha , Wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka  , Cawaale Shire,  Wasiirka Wasaarada Cadaaladda  Cabdiqani Maxamud  Caateeye, Wasiirka ,Agaasimaha waaxda qorshaynta  Cabdirashiid Caydiid Yaasiin, Wasiirka Maaliyada Yuusuf Maxamed Cabdi Dhamaantoodba hambalyo iyo bogaadin u direen  dhalinyarada Somaliland Xuska munaasibada dhalinyarada awgeed  oo ku began 12 /08//2018 waxaanay  u mahad-naqeen cid kasta oo gacan ka geysatay xafladan balaadhin ee u gaarka ah guud ahaan dhallinyarada Jahmhuuriyadda Somaliland. Masuuliyiintii halkaa ka hadashay Waxay sidoo kale soo  ban-dhigeen waxyaabaha aasaaska u ah horumarka dhallinyarada iyo sidii dhaliinyaradu awooda dihin uga faa’iidaysan lahaayeen si qarankeenu adduunyada kale u gaadho  , intii Xafladu socotay waxaa hal abuur kala duwan ku soo bandhigeen dhalinyaradii la soo  xulay oo kala socday gobolada Somaliland  kuwaas oo dadkii madasha fadhiyey kagaga qiiraysiiyey muujiyeyna in  dhalinyaradu wax kasta ay qabsan karaan.  Dhinaca kale kooxda HAVOYOCO ee  wacyigelinta ayaa iyaguna madasha ku soo bandhigay ruwaayad aad u xiiso badan oo ka hadleysay shaqo abuurka dhalinyarada iyo mihiimada ay leedahayd barashada xirfaduhu.

Ugu dambayntii  Wasiirka shaqo galin , arimaaha bulshada iyo qoyska Marwo Hinda Jaamac gaani ayaa soo gunaanaday munaasibadan maalinta dhallinyarada adduunka, waxaana hadaladi ay  halkaasi ka soo jeediyey oo ahaa kuwo dhinacyo baddan, iyada oo ugu horeyn uga hambalyeysay dhallinyarada Somaliland xuska maalinta dhallinyarada adduunka. Sidoo kale  Wasiirku waxay dhalinyarada ugu baaqday inay hibooyinkoooda iyo hal abuurkooda ka faa’iideeyaan iskana ilaaliyaan tahriibta iyo wixii mustaqbalkooda baabiinaya  waxaanay hadalkeeda  ku soo gunaanaday in  ay dhallinyaradu  tahay sharafta iyo awooda dal kasta uu horumarkiisa ku gaadho. Halkaana  waxaa Marwo Hinda iyo Masuuliyiintii kale gudoonsiiyeen shahaadooyin iyo Bilado ay u soo diyaarisay Hay’adda HAVOYOCO.