Muxtarim Aras ayaa noqotay haweenaydii koowaad ee madax ka noqota baarlamaanka dawlad-goboleedka Baden-Württemberg oo ka tirsan federaalka dalka Jarmalka. Sidoo kale waxay noqotay haweenaydii koowaad ee Muslim ah ee loo doorto jago darajadeedu sidan u sarrayso waddanka Jarmalka.
Dadweynaha Yurub ayaa isweydiinayey sababta keentay in Muxtarim la doorto iyadoo uu Jarmalku ku jiro xaaladdii ugu adkayd ee la xidhiidha dhinaca isirka kadib markii ay sannadkan magangeliyo u tageen jarmalka hal milyan oo qaxooti muslimiin ah taas oo buuq ka dhex dhalisay dalka Jarmalka.
Doorashada Muxtarim ayaa warbaahinta qaarkeed tibaaxeen in ay muujinayso in dadweynaha Jarmalka badankoodu ka soo horjeedaan qulqulka qaxootiga laakiin taasi aanay macnaheedu ahayn in ay neceb yihiin muslimiinta.
Muxtarim Aras ayaa sheegtay in ay tahay gabadh Jarmal ah laakiin qoyskoodu asal ahaan soo haajireen. Waxay sheegtay in ay ku faanayso in ay muslimad tahay laakiin ay dadka diimaha kala duwan haystaa u siman yihiin si isku mid ahna ugu adeegayso dadkii soo doortay diin kasta oo ay haystaan.
Jariiradda caanka ah ee Washington Post oo waraysi ka qaaday Muxtarim waxay u sheegtay in sida Sidiiq Khaan oo loo doortay maayorka London aan iyada lagu eedayn in ay xidhiidh la leedahay argagixisada wakhtigii ay ku gudo-jirtay ololaha baarlamaanka.
Doorashada Siddiiq Khaan loo doortay maayorka London, Muxtarim-na loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaan dawlad-deegaan Jarmal ah waxa la sheegay in ay wax ka beddeli karto nacayb isa soo tarayey oo baryahan loo qaaday mujtamaca muslimiinta kadib markii kooxda ISIS ay qaraxyo lagu hoobtay ka gaysteen dalal Yurub ka mid ah.
Bandhige@gmail.com