Shan sarkaal oo ka tirsan ciidanka booliska ayaa lagu dilay Mandheera

Shan askari oo ka tirsan saraakiisha booliiska dalka Kiiniya ayaa la dilay kadib markii maleeshiyo lagu tuhunsan yahay in ay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab ay weerareen kolonyo baabuur booliis ah, oo ku safrayey qeybo ka mid ah Woqooyiga Bari ee dalkaas.

Booliiska ayaa sugayey amniga gaadhi rakaab ah oo ku safrayey meel u dhow magaalada Ceelwaaq ee xadka Soomaaliya, markii maleeshiyada ay ku dhufteen gantaal laga soo rigay qoriga RPG ama Soomaalidu u taqaan sabanka.

Sidoo kale Badhasaabka Gobolka Mandheer a ayaa waxa uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal kooban oo u dhignaa sida tan:

โ€œWaxaan cambaareeneynaa weerarka ay kooxda Al-Shabaab saaka ka fuliyeen deegaanka Dimu, oo shan sarkaal lagu dilayโ€

Kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro is-daba joog ah ka fulisa guddaha dalka Kiiniya, gaar ahaan xuduudda Kiiniya iyo Soomaaliya, halkaasi oo weeraro dhowr ah oo ka dhacay lagu dilay dad badan oo Kiiniyaan ah.

bandhige@gmail.com